Xulka qaranka Spain ayaa dib u helay laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets, kaad oo ku biiray ciyaartoyda kale oo uu tababarka la bilaabay Jimcihii maanta.Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa shaacisay, in Sergio Busquets laga waayey COVID-19 baadhitaankii guu dambeeyey ee Khamiistii lagu sameeyey, taasina ay u ogolaanayso inuu tababarka kusoo laabto oo uu ciyaartoyda kale qayb ka noqdo, isla markaana isku diyaariyo kulamada soo socda.Sergio Busquets ayaa karantiil la geliyey June 6, shan maalmood ka hor intii aanu…