Belgium Oo U Gudubtay Wareegga 16ka Iyo Denmark Oo Hadhay Xilli

Xulka qaranka Belgum ayaa iska xaadiriyey wareegga 16ka ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay 2-1 ku garaaceen Denmark oo gool kala hormaray.

Belgium ayaa daqiiqaddii 2aad lagaga naxsaday gool uu ka dhaliyey Yussuf Poulsen oo shabaqooda ku hubsaday kubbad uu ka helay Pierre-Emile Hoejbjerg, waxaana xigay waqti kooban oo la joojiyey ciyaarta oo maamuus loo samaynayay laacibka uu wadne xanuunku kusoo booday ee Christian Eriksen oo daqiiqaddii 10aad loo joojiyey ciyaarta.

Xulka qaranka Belgium ayaa qaybtii hore hal mar oo kaliya toogtay goolka Denmark iyagoo kubadda inteeda badan haystay, waxaanay taasi keentay in waqtigii nasashada uu tababare Roberto Martinez isbeddel sameeyo.

Kevin de Bruyne oo qaybtii dambe lasoo raaciyey xulka qaranka Belgium ayaa toban daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray, waxa xerada ganaaxa dhexdeeda kubbad ugu dhiibay Romelu Lukaku waxaanu meel bannaan usii dhigay Thorgan Hazard oo daqiiqaddii 55aad goolka barbarraha u dhaliyey Belgium.

Awoodda ciyaareed iyo khatartooda afka hore ee Belgium ayuu isbeddel badan ku dhacay qaybtii labaad, waxaana taas sababteeda lahaa Kevin de Bruyne oo go’aamiyey in xulka qarankiisu u gudbo wareegga 16ka.

Daqiiqaddii 71aad ayuu De Bruyne goolka guusha u dhaliyey xulka qarankiisa, isagoo kubbad uu dhinaca bidix u dhigay Eden Hazard uu ku toogtay lugta bidix, kuna hubsaday shabaqa uu waardiyeynayay goolhaye Kasper Schmeichel, sidaas ayaanay Belgium ugu gudbeen wareegga labaad ee 16ka.

Xulka qaranka Belguim ayaa hoggaanka u qabtay Group B, waxaanay leeyihiin 6 dhibcood, waxaana kusoo xiga Russia iyo Finland oo min saddex dhibcood haysta, kuna dagaallami doona midkooda kaalinta labaad kaga soo baxaya hormadan.

Labada xul ee Russia iyo Finland ayaa dhibco ahaan la sinmi kara Belgium, laakiin Ruushka ayaa hadhi doona haddii uu lix dhibcood yeesho sababtoo ah Belgium ayaa 3-0 ku garaacday kulankii u horreeyey, waxaana uu sharcigu dhigayaa in labada kooxood ee isku dhicaha noqda, in midkooda badiyay uu u gudbo wareegga xiga.

Denmark oo la saadaalinayay inay noqon doonto waddanka soo labeeya Belgium ee kasoo baxa hormadan ayaa tartanka ku dhamaystay murugo weyn, waxaana guul-darradooda sababtay Christian Eriksen oo wadne xanuun kusoo booday ciyaartii hore oo uu garoonka dhexdiisa koomo ku galay ay saamayntiisa kasoo kaban waayeen.

Belgium ayaa kulanka u hadhay la ciyaari doonta Finland oo saddex dhibcood haysata, halka Ruushka ay is haleeli doonaan Denmark oo faro madhan taagan, loona xaqiijiyey in ay hadhay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More