Kaddib markii lagu dhawaaqay in Sergio Ramos uu si rasmi ah uga tegay, macasalaamayna loogu sii sameeyey Santiago Bernabeu, waxa lasoo saaray qiimaynta 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda Real Madrid.Ramos ayaa Khamiistii oohin ku sagootiyey Real Madrid isagoo caddeeyey in heshiis ay siin weyday kooxdu, kaddibna uu ku qasbanaaday inuu tago.“Waqtigii ayaa yimid, mid ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa noloshayda weeyaan in aan nabad-gelyo idhaahdo Real Madrid.” Ayuu yidhi Ramos.Sergio Ramos ayaa Los Blancos u…