Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Pentagon-ka faray in la yareeyo dhoolla-tusyada milatari ee uu ku tilmaamay “aan habboonayn oo colaadeed” ee lala sameeyo Kuuriyada Koonfureed, saacado yar ka hor intii aan la bilaabin layliyada sannadlaha ah.
Madaxweyne Trump wuxuu tilmaamay “xiriirka wanaagsan” ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, wuxuuna sheegay inuusan ku qanacsanayn layliyada loogu talagalay diyaar-garowga weerar suuragal ah oo kaga yimaadda Pyongyang.
- Advertisement -
Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in layliga sannadlaha ahi u socon doono “sidii hore loo shaaciyey loona jadwaleeyey”, inkastoo digniino dhowr ah ay Kuuriyada Waqooyi soo saartay toddobaadkii hore.
“Anigoo ku salaynaya xiriirkayga aadka u wanaagsan ee Kim Jong-un ee Kuuriyada Waqooyi, kuma faraxsani xaqiiqda ah in Maraykanku uu waqti hore oggolaaday inuu ka qayb galo Layliyada Milatari ee Wadajirka ah ee Kuuriyada Koonfureed,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.
Maadaama waqti aad u yar uu ka hadhay joojinta dhoolla-tusyada, Trump wuxuu sheegay inuu faray Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth in si weyn loo “dhimo” baaxaddooda.
Layliyada sannadlaha ah ee Ulchi Freedom Shield ayaa loo qorsheeyey inay socdaan illaa 27-ka Agoosto, waxaana ka qayb qaadanaya ku dhowaad 18,000 oo askari oo ka tirsan militariga Kuuriyada Koonfureed.
Trump ayaa marar badan ku cadaadiyey in la joojiyo ama la yareeyo layliyada milatari ee lala yeesho Kuuriyada Koonfureed, isaga oo sidoo kale Seoul kula muransanaa inta ay tahay inay ka bixiso kharashka joogitaanka 28,500 oo askari oo Maraykan ah oo dalkaas ku sugan iyo doorkooda ballaaran ee amniga gobolka.
Kuuriyada Waqooyi, oo weli farsamo ahaan dagaal kula jirta Koonfurta, waxay si joogto ah u cambaaraysaa dhoolla-tusyada Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ku tilmaanta tababar loogu sii diyaar garoobayo duullaan. Pyongyang ayaa toddobaadkii hore gantaal ballistic ah ka ridday xeebteeda bari kuna jihaysay Badda Japan, sida ay sheegeen militariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, maalmo kaddib tijaabo kale oo gantaal ballistic-ga gaaban ah.
Xiriirka u dhexeeya Trump iyo Kim ayaa sannadihii la soo dhaafay si weyn isu beddelay.
Trump ayaa mar ku jeesjeesay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi isaga oo ugu yeedhay “ninka gantaallada yar” wuxuuna Pyongyang ugu hanjabay “dab iyo caro”. Kim ayaa kaga jawaabay inuu “dab ku xakamayn doono waayeelka Maraykanka ee maskax ahaan liita.”
Inkasta oo colaaddaasi jirtay, labada nin waxay yeesheen saddex shir-madaxeed. Trump ayaa markii dambe sheegay in “aan is jeclaannay” kaddib markii ay waraaqo is dhaafsadeen isaga iyo Kim. Hase yeeshee, dadaallada diblomaasiyadeed wax isbeddel ah kama keenin barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ama horumarinta gantaallada ballistic-ga.
Inkasta oo Trump uu cod diirran ka qaatay Kuuriyada Waqooyi qoraalkiisii Truth Social, haddana wuxuu sidoo kale tixraacay mowqifka Kuuriyada Koonfureed ee ku aaddan colaadda Maraykanka iyo Israa’iil ay la leeyihiin Iiraan.
“Iyadoo ay wax yar xiriir la leedahay (?), waxaan dhowaan weydiiyey Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed inay jeclaan lahaayeen inay nagu soo biiraan ka dhigidda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan mid aan lahayn hub nukliyeer, waxayna yidhaahdeen, ‘Maya mahadsanid!’” ayuu Trump qoray.
Weli ma cadda qaabka uu u ekaan doono yareyn kasta oo lagu sameeyo layliyada. Sanadihii u dambeeyey, layliyadu way ka durkeen tababarrada rasaasta nool, waxayna si isa soo taraysa ugu tiirsanaayeen tijaabooyin kombuyuutar oo ku saabsan weerarro gantaallo iyo kuwa dhanka internet-ka ah.
Korneyl Ryan Donald, oo afhayeen u ah Taliska Ciidamada Isku-dhafka ah ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in layliyadu ku tababaran doonaan dagaal ka dhan ah ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee khibrad ka helay ka qaybgalka dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Maraykanku wuxuu Kuuriyada Koonfureed ku hayaa qiyaastii 28,500 askari si loo xoojiyo difaacyada dalkaas ee ka dhanka ah hanjabaadaha Pyongyang. Joogitaankoodu wuxuu dib ugu laabanayaa Dagaalkii Kuuriya ee 1950-53, kaas oo ku dhammaaday xabbad-joojin halkii uu ka ahaan lahaa heshiis nabadeed.
Si kastaba, Trump ayaa marar badan su’aal geliyey isbahaysiyada muddada dheer jiray, oo ay ku jirto NATO, isaga oo dhaleeceeyey xulafada reer Galbeedka inay diideen inay taageeraan dagaalkiisa ka dhanka ah Iiraan.
Layliyada ayaa sidoo kale la filayey inay xoogga saaraan dagaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, carqaladaynta GPS-ka iyo adeegsiga weerarrada internet-ka, sida uu sheegay Korneyl Donald.
Khubaro ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay xoojisay awooddeeda nukliyeerka iyo gantaallada tan iyo burburkii wada-xaajoodyadii Trump iyo Kim, oo uu markii ugu dambaysay fool ka fool ula kulmay 2019.
Falanqeeyayaal ayaa sidoo kale sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay Moscow siisay askar iyo rasaas dagaalka Ukraine, iyadoo beddelkeeda heshay gargaar dhaqaale, cunto, tamar iyo tignoolajiyad milatari.
Ukraine ayaa dhowaan sheegtay in illaa 50,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah la filayey in loo diro Ruushka, balse ma aysan soo bandhigin wax caddayn ah ama jadwal taageeraya sheegashadaas.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegashadaas sameeyey isaga oo Kuuriyada Koonfureed ka codsanaya inay bixiso nidaamyada difaaca cirka si Ukraine looga gaashaanto weerarrada gantaallada Ruushka. Seoul weli kama aysan jawaabin codsigaas.
Tan iyo markii uu xilka qabtay Juun 2025, Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae Myung ayaa beddelay habkii madaxweynihii ka horreeyey, isaga oo Pyongyang u bandhigay wada-hadallo aan shuruud lahayn isla markaana soo jeediyey in si rasmi ah loo soo afjaro Dagaalkii Kuuriya.
Hase yeeshee, hoggaanka Kuuriyada Waqooyi ilaa hadda wuxuu ballanqaaday oo keliya in la dedejin doono dhismaha awoodda milatari, iyadoo Kim uu Koonfurta ku tilmaamay “dawladda ugu colaadsan”.