Xiddigii Garoonka, Laacibkii U Liitay & Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii

Chelsea ayaa finalka FA Cup ku sugaysa Leicester City iyo Southampton midkooda soo gudba berri oo Axad ah, waxaana Blues ay booskaas ku tagtay guul cidhiidhi ahayd oo ay ka gaadhay Manchester City.

Kulankan oo ka dhacay garoonka qaranka ee Wembley Stadium, waxa Chelsea finalka u diray Hakim Ziyech oo dhaliyey gool kaliya oo ay ku kala baxeen City.

Chelsea iyo Man City ayaa intii ay ciyaartu socotay waxa ka dhaawacmay ciyaartooyo muhiim u ahaa. Daqiiqaddii 48aad ayaa waxa Man City ka baxay Kevin de Bruyne oo halis ugu jira inuu seego ciyaarta Finalka Carabao Cup ee toddobaadka dambe ay la dheeli doonaan Tottenham.

Sidaas oo kale ayuu Chelsea uga dhaawacmay Chelsea uga baxay Thiago Silva ciyaarta oo dhamaad ah, waxaana lagu beddelay Kurt Zouma.

Maxaa xiga?

Chelsea ayaa Salaasada la ciyaari doonta Brighton kulanka horyaalka Premier League ee toddobaadkan, waxaana haddii ay guuleystaan ay la wareegi doonaan kaalinta afraad ee horyaalka. Sidaas oo kale, Manchester City ayaa Arbacada la ciyaari doonta Aston Villa iyadoo rajaynaysa in ay kusii dhowaato hanashada horyaalka.

Xiddigii garoonka

Hakim Ziyech ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, isagoo dhaliyey laba gool oo midkood la diiday, isla markaana ku dhowaaday in uu dhaliyo goolal kale.

Ziyech ayaa helay qiimaynta ugu sarraysay ee ciyaarta oo ahayd darajada 8, waxaanay isku mid ahaayeen difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo isaguna hab-difaac heersare ah muujiyey ka hor intii aanu dhaawaca ku bixin dhamaadkii ciyaarta.

Ciyaaryahannada Chelsea ee kale ayaa dhamaantood aad u wanaagsanaa, waxaanay dhamaantood heleen qiimayn ah darajada 8.

Laacibkii ugu liitay

Ferran Torres iyo Gabriel Jesus ayaa ugu liitay dhamaan ciyaartoyda labada kooxood, waxaanay heleen qiimaynta ugu hoosaysay oo ahayd darajada 5.

Ciyaaryahanadda Man City ayay qiimayntoodu hoosaysay, waxaanay intooda badan heleen darajada 6, halka Rodri oo ugu fiicnaa uu 7 ka helay qiimaynta kulanka.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Chelsea: Kepa (7), Azpilicueta (7), Thiago Silva (8), Rudiger (7), James (7), Jorginho (7), Kante (7), Chilwell (7), Mount (7), Ziyech (8), Werner (7).

Beddelka: Pulisic (6), Havertz (6), Emerson (6), Zouma (n/a).

Man City: Steffen (6), Cancelo (6), Dias (6), Laporte (6), Mendy (6), Rodri (7), Fernandinho (6), De Bruyne (6), Torres (5), Sterling (6), Jesus (5).

Beddelka: Foden (6), Gundogan (6)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More