Xiddigii Garoonka, Ciyaartoydii Turkey Ee Ceeboobay Iyo Qiimaynta

Xulak qaranka Talyaaniga ayaa guul weyn ku furtay tartanka Euro, waxaana ciyaartii ugu horreysay oo Turkey ay iska hor yimaaddeen ay ku badiyeen 3-0.

Goolka hore ayaa daqiiqaddii 53aad waxa iska dhaliyey difaaca reer Turkey ee Derih Demital oo goolkiisa ku leexiyey kubbad uu dhinaca kasoo jabiyey Domencio Berardi. Cirro Immobile ayaa goolka labaad raaciyey daqiiqaddii 66aad halka Insigne uu daqiiqadii 79aad dhamaystiray goolka saddexaad.

Markii ugu horreysay 39 sannadood oo tartanka qaramada Yurub uu ciyaaray, Talyaaniga ayaa ciyaarta ugu horreysa dhaliyey wax  ka badan hal gool, waxayna caawa sameeyeen dhoolatus ay ku cashariyeen Turkey.

Xiddigii garoonka

Giorgio Chiellini oo difaaca Talyaaniga ah ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, iyadoo uu soo bandhigay hab-difaac heersare ah iyo qaybtii hore oo uu sigay gool halis ahaa, kaddib kubbad uu madax ku qabtay.

Chiellini ayay qiimaynta kulanka isku mid ka ahaayeen Spinnazzola, Berardi, Insigne iyo Immobile oo ay min 8 ka heleen qiimaynta.

Ciyaartoydii ku fadeexadoobay kulanka

Dhamaan ciyaartoyda Turkey ayaa ahaa kuwo liita, mana jirin mid lasoo qaato xataa kuwa beddelka ah. Toddoba ka mid ah 11kii ciyaartoy ee kusoo bilowday kulanka ayaa helay qiimayn darajadeedu tahay 5, waxaanad halkaas ka garan kartaa inay ahaayeen kuwo aad u liita. Cakir, Celik, Tufan iyo Yokuslu oo kaliya ayaa qiimayntoodu gaadhay 6, inta kale oo dhanna way ka hooseeyeen.

Qiimayntii ciyaartoyda labada xul

Turkey Cakir (6), Celik (6), Demiral (5), Soyuncu (5), Tufan (6), Yokuslu (6), Meras (5), Yazici (5), Calhanoglu (5), Yilmaz (5), Karaman (5)

Beddelka: Under (6), Ayhan (5), Dervisoglu (5), Kahveci (5)

Italy: Donnarumma (7), Florenzi (7), Locatelli (7), Bonucci (7), Chiellini (8), Spinazzola (8), Jorginho (7), Beradi (8), Barella (7), Insigne (8), Immobile (8)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More