Wuxuu Galay Safar 20,700 Kiilo Mitir Ah, Wuxuu Soo Laabtay

Zinedine Zidane ayaa kusoo dhoweynaya garoonka tababarka ee Valdebebas laacibka garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Vinicius Junior oo kusoo hungoobay safar aad u dheeraa oo 20,700 kiiloo mitir qaatay oo uu ku tegay waddankiisa Brazil isagoo rajaynayay inuu soo helo waqti uu isku muujiyo oo uu indhaha dunida ugu muujiyo inuu u qalmayo inuu joogto ka noqdo xulkiisa iyo Real Madrid intaba.

Vinicius Junior waxa safarka dheer ee intaas oo kiiloo mitir qaatay uu kusoo laabanayaa kooxdiisa isagoon hal daqiiqadood na la siinin oo aan garoonka soo gelinin, laakiin Zinedined Zidane ayuu ka filayaa inuu ka maydho daalka iyo qalbi jabka uu kula soo noqonayo Alfredo di Stefano.

Eden Hazard oo xanuunka Korona Fayras uu hayo, isla markaana aan ciyaari doonin kulanka Villarrela ee Sabtida, Vinicius Junior ayaa kusoo bilaaban kara ciyaartan ka dhacaysa La Ceramica, waxaanu halgan u geli doonaa sidii uu isku muujin lahaa.

Inkasta oo aanu waqti kasoo helin, haddana laacibkan ayaa la sheegay inaanu dareemaynin wax niyad-jab ah, guulna uu u arko in loo yeedhay xulka qaranka oo uu ku jiray kaydka, magaciisuna kasoo dhex muuqday.

20 jirkan ayuu wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain tilmaamay inuu rumaysan yahay in sababta xulka selecao loogu yeedhay ay tahay qiritaan ah inuu wax fiican ka sameeyey garoomada.

Labadii ciyaarood ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Brazil ay guulaha kasoo hoysay Venezuela iyo Qatar, waxa uu Tite ku sameeyey isbeddel safkiisa ah, balse haddana waxa aan boos ka helin Vinicius oo fursaddiisa ka sugaya kulamada dambe.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More