20kii Lammaane Ee Goolasha Iyo Caawinta Ugu Badan Ka

20kii ciyaartoy ee sida lamaanaha ah iskaga kaashaday gool-dhalinta iyo caawintii ugu badnayd horyaalka Premier League ayaa la qiimeeyey, waxaana laga soo xulay kuwii sida layaabka lahaa isku fahmi jiray intay garoonka ku jiraan.

Xiddigaha lasoo xulay ayaa waxa ku jira kuwa illaa hadda garoomada kusii jira oo bandhig cajiib ah samaynaya, iyo kuwo duqoobay oo mar hore ka fadhiistay ciyaaraha.

Weeraryahannada Tottenham ee Harry Kane iyo Son Heung-min oo xili ciyaareedkan dhaliyey goolal badan oo cajioib ah ayaa kusoo baxay xiddigaha lamaaneyaasha ah ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League.

Waxa kale oo qiimayntan ku jira Sergio Aguero iyo David Silva oo ka hor intii aanu kubbad-sameeyaha reer Spain ka bixin Etihad Stadium ahaa farsameeyaha goolasha ugu badan ee Aguero dhaliyo ayaa iyaguna ku jira liiska.

Xiddigihii Arsenal ee Thierry Henry iyo Robert Pirez oo isku nashqadeeyey goolal qurux badnaa ayaa kasoo muuqana liiskan.

Didier Drogba iyo Frank Lampard ayaan ka maqnayn, sidoo kalena Teddy Sheringham iyo Darren Anderson ayaa figta sare kaga jira xiddigaha isfahamka iyo wada-shaqayntooduba sarraysay.

Robbie Fowler iyo Steve McManaman waxay da’yaraantoodii ahaayeen weerar iyo dhex dilaa ah oo si wanaagsan uga shaqayn jiray goolasha Liverpool, halka Henry uu mar kale kusoo baxayo liiskan, waxaanay 24 gool iska kaashadeen Freddie Ljungberg.

Nolberto Solano & Alan Shearer, Kevin de Bruyne & Aguero, Ryan Giggs & Eric Cantona iyo Wayne Rooney iyo Cristiano Ronaldo ayaa iyaguna min 20 gool iyo ka badan kubbadaha isku dhiibay.

Halkan kaga bogo liiska 20kii lamaane ee goolasha iyo caawinta ka wada shaqeeyey

20: Paul Scholes & Ryan Giggs – 18 gool

19: Ole Gunnar Solskjaer & Ryan Giggs – 18 gool

18: Harry Kane & Dele Alli – 18 gool

17: Dennis Bergkamp & Thierry Henry – 18 gool

16: Andy Cole & Ryan Giggs – 18 gool

15: Robin van Persie & Theo Walcott – 19 gool

14: Riyad Mahrez & Jamie Vardy – 19 gool

13: Olivier Giroud & Mesut Ozil – 19 gool

12: Wayne Rooney & Cristiano Ronaldo – 20 gool

11: Ryan Giggs & Eric Cantona – 20 gool

10: Kevin De Bruyne & Sergio Aguero – 20 gool

9: Harry Kane & Christian Eriksen – 21 gool

8: Nolberto Solano & Alan Shearer – 22 gool

7: Thierry Henry & Freddie Ljungberg – 24 gool

6: Robbie Fowler & Steve McManaman – 24 gool

5: Teddy Sheringham & Darren Anderton – 27 gool

4: Thierry Henry & Robert Pires – 29 gool

3: Harry Kane & Son Heung-min – 29 gool

2: David Silva & Sergio Aguero – 29 gool

1: Didier Drogba & Frank Lampard – 34 gool

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More