Taageerayaasha ayaa loo ogolyahay ciyaarta Manchester
Tababaraha Premier League Richard Masters ayaa qorsheynaya in 10,000 oo taageere ay soo xaadiraan finalka Premier League ee Manchester City bisha May.
Richard Masters ayaa rajeynaya in xilli ciyaareedku ku dhamaado jawi wanaagsan oo ay la socdaan taageerayaasha garoonka dhexdiisa isla markaana naadiyada ay macsalaameyntii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka ay lahaan doonaan sacab.
Dowlada Ingiriiska ayaa horey u dejisay qorshe ay ku eegeyso sida taageerayaashu ugu soo laaban doonaan goobaha, iyadoo lagu saleynayo xaaladaha caafimaad iyo sida coronavirus ay uga gaabineyso faafitaanka, waxaana qorshahan uu muujinayaa in taageerayaasha ay soo laaban doonaan bisha May.
17-ka May waa maalinta ugu horeysa ee loo ogolaan doono taageerayaasha garoonka, shan maalmood ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo tobanaan kun oo taageerayaal ah.
Kulamada ugu dambeeya ee Premier League-ga ayaa dhici doona 23-ka Maarso waxaana Manchester City ay la yeelan doontaa taageerayaasheeda dagaalka loogu jiro hanashada horyaalnimada, iyadoo 14 dhibcood ka horreysa Manchester United Iyadoo toban kulan ka harsan tahay horyaalka.
Richard Masters ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Talaabada ugu horeysa waa in la soo gabagabeeyo horyaalka 23-ka May, waxaana rajeyneynaa inaan garoonka ku yeelan doono 10,000 oo taageerayaal ah
Haddii qorshuhu hirgalo, waxay ka dhigan tahay in Euro 2020, oo soconaya Juun 11 ilaa July 11, ay ka soo qeyb geli doonaan taageerayaal.
Garoonka England ee Wembley Stadium ayaa martigelin doona toddobo kulan oo ay ku jiraan semi-finalka iyo finalka, halka tartanka oo dhan lagu ciyaari doono 12 magaalo oo ka tirsan 12 dal, laakiin ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa doonaya. In dalkiisu martigaliyo dhamaan cayaaraha si loo yareeyo qatarta in virusku faafo.