Saddexdan Kooxood Oo Kaliya Mid Ahaan Ayuu Doonayaa Inuu Ku Biiro

0

Xiisaha ay Arsenal u muujisay weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa u muuqata rajo mudo gaaban noolayd kaddib markii warbixino cusubi tibaaxeen in dhaliyahaasi kaliya doonayo u dhaqaaqista horyaalka La Liga.

Tababare Mikel Arteta ayaa saxeexa weeraryahan doonaya xagaaga xilli Gunners ay ka go’antahay inay dib u helaan booskoodii tartamada Yurub kaddib xilli ciyaareedkii 2020-21 oo mid madaw ku ahaa.

Si kastaba, sida uu sheegayo saxafi Marco Barzaghi oo ka hawl-gala Sportmediaset, Martinez ayaa ah mid aan xiiso weyn u haynin inuu u dhaqaaqo Arsenal amaba guud ahaan Premier League.

Warbixinta ayaa sheegaysa in 23 sano jirka heer caalami ee xulka Argentina xagaagan uu kaliya isku dayi karo inuu mid ahaan ku biiro Barcelona, Atletico Madrid amaba Real Madrid.

Martinez ayaa xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay noqday mid kamida weeraryahanada ugu wanaagsan dunida isaga oo isku soo muujiyay kooxda Serie A soo hanatay ee Inter Milan.

Tan iyo markii uu kooxda dalkiisa ee Racing Club kaga soo biiray 2018, Martinez ayaa 49 gool iyo 20 caawimo usoo sameeyay Nerazzuri 132 kulan oo uu metelay.

Xilli ciyaareedkii hore Martinez ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in Inter ay horyaalka ku guuleysato markeedii ugu horreysay mudo 10 sano ah isaga oo 17 gool iyo 10 caawimo soo sameeyay.

Xaqiiqada ah in Inter ay doonayso inay ciyaartoy iska iibiso kaddib saamaynta Korona Fayras ayaa xiddigaheedii horyaalka kusoo guuleystay damac ka gelisay kooxaha waaweyn ee Yurub iyadoo tusaale ahaan Achraf Hakimi uu PSG u wareegay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More