RASMI: Inter Milan Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Xiddigii AC Milan Ee

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa si rasmi ah ula wareegtay laacibka khadka dhexe ee reer Turkey ee Hakan Calhanoglu oo ay kasoo qaadatay AC Milan oo uu si xor ah uga yimid.

Xiddigan khadka dhexe ayaa shalay gaadhay magaalada Milan kaddib markii uu dalkiisu ka hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana uu maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis saddex sannadood ah oo uu sannadkiiba ku qaadanayo €5 milyan oo Euro, taas oo €1 milyan oo Euro ka badan lacagtii ay AC Milan usoo bandhigtay.

Kubbad-sameeyahan ayaa iska diiday qandaraas cusub oo €4 milyan oo Euro ahaa oo ay Milan u bandhigtay, waxaana uu ka doortay inuu tago kooxda uu xafiiltanka weyni ka dhexeeyo, isku magaaladana ay yihiin ee Inter.

War-saxaafadeed ay Inter Milan soo saartay, ayay ku xaqiijisay in Calhanoglu uu saxeexay heshiis saddex sannadood ah, kana mid yahay ciyaartoydooda rasmiga ah.

“FC Internatzionale Milano waxay xaqiijinaysaa in Hakan Calhanoglu uu kusoo biiray Nerazzurri. 27 jirkan khadka dhexe ayaa saxeexay heshiis uu kooxda kula joogayo illaa 30 June, 2024. #WelcomeHakan.”

Inter ayaa intaas kaddib waxay soo bandhigtay Calhanoglu oo ku labbisan dharkeeda laymanka madowga iyo buluugga ah.

27 jirkan reer Turkey ayaa sannadkii 2017kii ay AC Milan kusoo iibsatay €23 milyan oo Euro isagoo waqtigaas ka tirsanaa kooxda reer Germany ee Bayern Leverkusen, hase yeeshee waxay ogolaatay in qandaraaskiisu dhamaado kaddib markii ay ku qancin kari waayeen inuu sii joogo kooxda.

Calhanoglu ayaa noqonaya ciyaartoygii labaad ee si xor ah uga taga AC Milan, waxaana ka horreeyey goolhaye Gianluigi Donnarrumma oo tegay Paris Saint-Germain.

Hakan ayaa Milan u saftay 172 kulan oo uu u dhaliyey 32 gool halka uu caawiye ka  noqday 48 gool oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More