RASMI: Brazil vs Argentina – Finalka Copa America, Messi Oo
Xulka qaranka Argentina ayaa usoo gudbay kulanka ugu dambeeya tartanka Copa America iyagoo rikoodheyaal kusoo garaacay Colombia ciyaar ay isla rafteen oo kusoo dhamaysteen 1-1, laakiin lagu go’aamiyey rikoodheyaal 3-2 ah.
Lionel Messi ayaa dalkiisa ku hoggaamiyey in ay yimaaddaan finalka xilli uu ku riyoonayo in uu u qaado koobkiisii ugu horreeyey, taas oo haddii ay dhacdo soo afjari doonta inkaartii ka haysatay dhinaca xulkiisa oo ka sugayay in guulaha uu kooxda Barcelona gaadhsiiyo uu iyagana wax ka siiyo.
Lautaro Martinez ayaa daqiiqaddii 7aad ee bilowga ciyaara u dhaliyey Argentina gool uu kasoo shaqeeyey Lionel Messi, hase yeeshee Colombia oo dedaal badan samaysay ayaa goolka barbarraha keentay qaybtii labaad, sidaas ayaanay 1-1 ugu dhamaatay ciyaarta oo aan waqti dheeraad ah lagu darin.
Rikoodheyaashii loo dhigay ayay Argentina dhalisay midkii ugu horreeyey oo uu u tuuray Lionel Messi, waxaana ka jawaabay Juan Cuadrado oo isaguna dhaliyey, De Paul oo Argentina ah ayaa khasaariyey rikoodhihii xigay, waxaase ku dayday laba ciyaartoy oo reer Colombia ah oo kala ahaa Davinson Sanchez iyo Yerry Mina. Paredes iyo Lautaro Martinez ayaa labadii laad ee xigay u dhaliyey Argentina, halka Colombia uu hal rikoodhe u dhaliyey Miguel Borja balse uu khasaariyey Edwin Cardona, sidaas ayaanay ciyaartu kusoo dhamaatay.
Argentina ayaa finalka ugu tagtay Brazil oo Salaasadii 1-0 kaga soo badisay Peru.
Ciyaartan oo ay ku kulmayaan Neymar Jr oo hore ugu ducaystay in Argentina soo baxdo oo ay finalka isku arkaan Lionel Messi ayaa waxay dhici doonaa Axadda July 11, xilli ay saacaddu ku beegan tahay 3da habeenimo ee xilliga Suxuurta Geeska Afrika.
Labada kabtan ee Argentina iyo Brazil ee Messi iyo Neymar ayaa ah saaxiibbo xidhiidhkoodu fiican yahay oo usoo wada ciyaaray Barcelona, hase yeeshee labadooda waddan ayay cadaawad weyn oo ciyaareed ka dhaxaysaa.
Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay ee Argentina iyo Colombia, Lionel Messi ayaa amaan kula dul-dhacay weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez oo uu ku tilmaamay halyey kaddib markii uu laacibkani dhaliyey goolkii xulkiisa ee bilowga ciyaarta iyo rikoodhihii ugu dambeeyey ee guusha go’aamiyey.
Si kastaba, finalka ayaa xiise gaar ah leh, waxaanu kulminayaa labada waddan ee ugu tunka weyn ciyaaraha Latin America iyo kubadda cagta adduunka.