QISO: Tijaabadii Uu Kylian Mbappe Ku Maray Chelsea & Balanqaadkii Ay

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa awood u lahayd inay lacag aad u raqiis ah kula saxeexato weeraryahanka maanta ee Paris Saint-Germain Kylian Mbappe balse weyday saxeexiisa kaddib markii ay isku dhaceen hooyadii.

Mbappe ayaa durtaba lagu tirin karaa xiddigaha ugu fiican dunida kubadda cagta. Koobabka badan ee uu kusoo guuleystay ayuu kamid yahay koob aduun uu xulka France ka caawiyay 2018-kii.

Xawaarihiisa hilaaca ah iyo xirfada heerka sarre ah ee uu leeyahay marka uu kubadda haysto ayaa ah mid argagax ku abuurta daafacyada kasoo horjeeda.

Xaga mustaqbalka, ma jirto koox aan jeclaan lahayn inay safkeeda ku haysato Mbappe balse Actual Madrid ayaa u muuqata mida ugu cad cad ee heli doonta haddii uu PSG faarujiyo.

Laakiin taas bedelkeeda, Chelsea ayaa ahayd kooxda awood u yeelan karaysay inay maantaba haysato kaddib markii uu isaga oo aad u yar tijaabo ku maray akaademigeeda.

Sanadkii 2012 ayay ahayd markii Serge Daniel Boga oo ahaa indho-indheeye xaga da’yarta u qaabilsanaa Chelsea uu u keenay Mbappe kahor inta aysan Blues u sheegin inuu tijaabadii koowaad marka uu maray tijaabo labaadna usoo laabto balse ay hooyadii diiday.

Sida uu Boga sheegay hooyada Mbappe ayaa Chelsea u sheegtay inay markaas la saxeexdaan ama ay shan sano kaddib 50 Milyan oo euro kusoo dalban doonaan, saadaashaas cajiibka ayaaba heerkaas dhaaftay kaddib markii ay 2017 oo shan sano kaddib ku beegnayd PSG 180 Milyan oo euro kula saxeexatay.

Boga ayaa yidhi “Waxaan u yeedhay qofkasta oo aan kala shaqayn jiray Chelsea sida Jim Fraser, waxaan idhi ‘I dhagayso, wiilkan yar ayaan kuu hayaa waa inaad eegto”

“Toddobaad kaddib waxaanu tagnay xafiiska Chelsea, waxay yidhaahdeen ‘Waanu ku faraxsanahay waxa aanu aragnay laakiin waa inaanu tijaabo kale dib idiinku marti qaadno waananu arki doonaa kaddib tijaabadaas”

“Waxaan xasuustaa waxa ay hooyadii tidhi maalintaas, French ayay kula hadashay Fraser aniguna waan u turjumayay”

“Waxay igu tidhi ‘I dhagayso, wiilkaygu masoo laaban doono, haddii ay doonayaan waa inay imika qaataan ama shan sano kaddib means soo laaban doonaan si ay 50 Milyan oo euro ugu iibsadaan”

“Sidaas ayay igu tidhi, waxaan ku idhi ‘Maya sidaas iyaga kuma odhan karo, aad ayay iigu adkayd aniga, means saxsanayd, xataa 50 Milyan ma ahayn ee 180 Milyan oo euro ayay kooxi (PSG) ku iibsatay, sidaas darteed means ogayd tayada wiilkeeda wayna saxsanayd”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More