Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Khabiirada BBC Sport Oo Saadaaliyay Kooxda Xilli
Konton iyo sideed maalmood ka dib markii ay Bayern Munich koobka ku qaaday magaalada Lisbon, Champions League ayaa soo laabanaya caawa.Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, afar kooxood oo lama filaan ah ayaa isagu soo hartay wareegii afar dhamaadka Bayern, PSG, Lyon iyo RB Leipzig.Sidaasi darteed yaa sannadkan ku guuleysan doona koobka? BBC ayaa weydiisatay khabiiradeeda kubada cagta ee Yurub kuwaasoo saadaal ka bixiyay.Andy West oo ka qora kubada cagta Spain ayaa saadaaliyay in Real Madrid ay ku guuleysan doonto Champions…
Unai Emery Oo Miino Ku Tuuray PSG & Dareenka Dhabta Ah Ee
Macalinkii hore ee kooxaha Valencia, Sevilla, Paris Saint-Germain iyo Arsenal ee Unai Emery haatana gadh-wadeenka ka ah dhinaca Villarreal ayaa shaaca ka qaaday nooca dareen ee uu Kylian Mbappe oo uu macalin usoo noqday u qabo dhinaca Real Madrid.Unai ayaa si weyn ugu soo raaxaystay kooxda Sevilla, sidoo kale Paris ayuu koobab badan oo gudaha France ah la qaaday balse halka uu madax-xanuunka kasoo qaaday ayaa ahayd Arsenal oo uu heerkii laga filayay gaadhsiin waayay.Haatan markale Emery ayaa ku noqday carriga dalkiisa Spain…
Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka
Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday liiska xiddigaha kooxdeeda uga qayb qaadanaya kulankooda furitaanka ololaha UEFA Champions League ee 2020-21 markaas oo ay Camp Nou kusoo dhawayn doonaan Ferencravos.Muhiimada koowaad ee Blaugrana ayaa ah inay qaab wanaagsan ku bilaabato tartankaas oo ay iska reebaan ceebtii kasoo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee ay ka ciyaareen markaas oo ay bahdil kala kulmeen Bayern Munich.Liiskan xiddigaha ah ee uu soo xushay tababare Ronald Koeman ayuu wali ka maqan yahay goolhaye Marc…
“Paul Pogba Ayaa Isaga Ka Hadla” – Kylian Mbappe Oo Amaanay
Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa amaan ugu qubeeyay dhigiisa Manchester United ee Kylian Mbappe kahor kulanka adag ee ay labada kooxood caawa ku kulmi doonaan Parc des Princes ciyaar qayb ka ah wareega Group-yada ee UEFA Champions League.Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wajahaysa loolanka ugu adag ee ay la kulmayaan ilaa haatan xilli ciyaareedka kulanka ay caawa martiyataan kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Ligue 1.Mbappe iyo Rashford ayaa labaduba furayaal u noqon doona safafka weerarka ee…
50ka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La
Xiddiga dhaawaca kaga maqan Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa lumiyey booska koowaad ee difaacyahannada ugu wanaagsan dunida waqtigan, waxaana soo baxday qiimayntii ugu dambaysay ee waxqabadka laacibiinta khadka dambe ee goolka ilaaliya.Van Dijk oo toddobaadkan haysata hadal-haynta ugu badan kaddib dhaawac culus oo soo gaadhay ayaa in muddo ah soo haystay difaaca ugu fiican dunida, waxaanu hoggaaminayay qiimayn kasta, laakiin qiimayntan ugu dambaysay ayaa uu xataa ka maqan yahay tobanka laacib ee ugu wanaagsan.29 jirkan oo…
Maxay Ahayd Sababtii Uu La Naxay Bruno Fernandes Markii Uu
Bruno Fernandes ayaa qosol muunsooday markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer sida lama filaanka ah warbaahinta horteeda uga sheegay in kabtanka Manchester United ee kulanka PSG ee caawa uu yahay xiddiga reer Portugal ee Fernandes oo waqtigaas garabkiisa fadhiyey.Red Devils ayaa ku sugan magaalada Paris oo ay caawa kula soo ciyaari doonaan PSG kulan ka dhici doona Parc des Prince oo ciyaartii ugu dambaysay guul 3-1 ah kala soo laabteen, laakiin waxa ciyaartan ka maqan shan laacib oo Manchester United ka tirsan.Harry Maguire…
Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabin
Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha ku qoran baahinta kulamada Champions League ee toddobaadkan, waxaana dhamaan diyaar ah tacliiqiyiinta ruug-caddaaga ah ee codkooda la xiiseeyo.Telefishanka beIN Sports ayaa si toos ah u baahin doona ciyaaraha Champions League ee Salaasada iyo Arbacada oo ay ballansan yihiin kooxo waaweyn.Manchester United oo ku sugan magaalada Paris ayay foodda is darayaan PSG, sidoo kale, Chelsea ayaa qaabilaysa Sevilla, halka Barcelona ay tijaabo fudud ku gelayso garoonkeeda oo ay…
Chelsea vs Sevilla – Blues Oo Qaabilaysa Khabiirradii Yurub,
Stamford Bridge ayaa martigelinaya kulanka xiisaha badan ee caawa ay Chelsea kusoo dhoweyn doonto kooxda haysata koobka Europa League ee Sevilla oo ay ku wada jiraan Hormada H ee tartanka Champions Leagueb.Labada kooxood ayaa fursad weyn u haysta inay kasoo gudbaan Groupkan oo ay kula jiraan labada naadi Krasnodar iyo Rennes, waxaana marka ay caawa caasimadda Ingiriiska ee London isku haleelaan Chelsea iyo Sevilla durba la ogaan doonaa natiijada iyo bandhigga kooxda u qalanta inay kaalinta koowaad kaga soo baxdo…
11kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League
Everton iyo Aston Villa ayaa sii wata rikoodhkooda guuldarro la’aanta ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedkan, halka West Ham iyo Burnley ay xaqiijiyeen inaan aragnay barbarihii ugu horeeyay ee gool la’aan ah xilli ciyaareedkan Premier League.Kulanka Merseyside Derby ayaa muran ku dhamaaday iyadoo Liverpool iyo Everton ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.Tottenham 3-0 oo ay ilaa iyo daqiiqadii 81aad ku hogaamineysay ayay iska xoortay iyagoo barbaro la galay West Ham halka Stamford Bridge lix gool la iska dhaliyay iyadoo ay…
Ronald Koeman Oo Niyadjabiyay Jamaahiirta Barcelona Ka Hor
Tababare Ronald Koeman ayaa si dhaqso ah meesha uga saaray hadal kasta oo ku saabsan in Barcelona ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad hanashada Champions League xilli ciyaareedkan.Kooxda Catalans ayaa xilli ciyaareedka cusub ee Champions League waxay habeen danbe ku bilaaban doontaa kulan ay la ciyaarayaan kooxda yar ee Ferencvaros.Laakiin guuldaradii Getafe ka soo gaartay ayaa ka dhigeysa inay xilli ciyaareedka Champions League ku bilaaban doonaan iyagoo niyadjabsan oo weli ay maankooda ka bixin xasuuqii 8-2 ee ka soo gaaray…