Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

TOBBANKII Saxeex Ee Ugu Xumaa Premier League Suuqii Xagaaga 2020 &

Iyadoo xilli ciyaareedkii horyaalka Premier League uu soo dhammaaday haatan waa wakhtigii la samayn lahaa falcelin, walow uu xataa caabuqa Korona Fayras saameeyay kooxaha dhaqaale ahaan haddana lacago badan ayay saxeexyo ku bixiyeen xagaagii 2020 iyo January 2021.Saxeexyada qaar ayaa ahaa kuwo cajiib ah waxaana laga xusi karaa Edinson Cavani, Emi Martinez iyo Jesse Lingard balse waxa jira kuwo kale oo badan oo sidii laga filayay aan noqon.Haddaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa tobbanka saxeex ee lagu qiimeeyay inay…

HESHIIS DHAN: Liverpool Oo Saxeexeedii Labaad Ee Xagaaga

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dhammaystirtay saxeexa Fatawu Abdul Issahaku oo loo arko mid kamida xiddigaha da’yarta ah ee kasoo baxaya qaarada Africa kuwooda ugu wanaagsan. Issahaku oo 17 sano jir ah ayaa kasoo baxay kooxda heerka labaad ee dalkiisa Ghana ee lagu magacaabo Steadfast FC, Reds ayaa la xusayaa inay heshiis shan sano ah ka saxeexdeen da’yarkaas. Fatawu Abdul Issahaku ayaa ah mid ka ciyaara booska no.10-ka waxaana uu helay dalabaad badan oo uga yimid kooxo ree Yurub ah isaga oo qarka u fuulay…

RASMI: Dalka Argentina Oo Laga Wareejiyay Martigelinta Copa America &

Koobka weyn ee Copa America ayaan haysan dal martigeliye ah hadda walow ay kaliya 13 maalmood ka hadheen wakhtiga uu bilaabmi lahaa iyadoo hadda laga qaaday martigelintiisa dalka Argentina kaddib markii uu heerka xanuunka Korona Fayras aad u kordhay.Tartankaas oo ay kasoo muuqanayeen 10 dal oo South American ahi ayaa lagu qabanayay dalalka Argentina iyo Colombia sida markii hore loo qorsheeyay inta u dhaxaysay 13-ka June ilaa 10-ka July.Si kastaba, Colombia ayaa laga qaaday masuuliyada martigelinta tartanka 20-kii bishii May…

Liverpool Oo Philippe Coutinho U Qaadanaysa Deyntii Ay Ku Lahayd

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib u helaysa xiddigeedii ay £142 milyan oo Gini ku iibisay ee Philippe Coutinho oo si bilaash ah ugu soo laabanaya kaddib saddex sannadood iyo badh uu ka maqnaa, waxaanu markan ugu soo laabanayaa si bilaash ah iyadoo u qaadanaysa dayntii ay ku lahayd Barcelona.Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay u bandhigtay Liverpool in dayntii ay kaga lahayd iibkii Coutinho ay dib ugu qaadato isla laacibkan, laakiin lacagta ayaa ah mid aad u yar marka la barbar-dhiga midda ay ka bixisay.Coutinho…

Thomas Tuchel Oo Shaaciyey Tirada Ciyaaryahanadda Uu U Baahan Yahay Inuu

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaciyey tirada saxeexyada uu u baahan yahay in uu sameeyo, kaddib markii ay kooxdiisu ku guuleysatay tartanka Champions League.Tuchel oo bishii January loo magacaabay tababaraha Chelsea kaddib markii shaqada laga caydhiyey Frank Lampard, ayaa waxa uu kooxda ku sameeyey isbeddel weyn iyadoo uu keenay afarta sare, finalka FA Cup iyo Champions League oo ay ku guuleysteen.Roman Abramovich ayaa lacag badan geliyey kooxda suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagii hore, waxaana in ka badan 250…

WARKII LA SUGAYAY: Zidane Oo Qoraal Dheer Ku Weeraray Florentino Perez

Zinedine Zidane ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane maalmo kaddib markii uu iska casilay shaqada tababarenimo, waxaanu sheegay in uu ka waayey ixtiraamkii uu mudnaa iyo kooxda oo ay muuqato in aan lagu samaynayn dhisme.Zidane ayaa qoraal uu soo saaray, waxa uu sheegay in sababta uu uga tegayo Real Madrid ay tahay, in aanu kooxda ka haysanin kalsoonidii uu u baahnaa, taasina keentay in uu iskaga tago shaqadiisa.Warqad dheer oo wargeyska AS uu u gudbiyey Zidane ayuu ku…

TOBANKA Difaac Dhexe Ee Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Waqtigan Oo La

Difaacyahannada dhexe ee ugu wanaagsan dunida ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay Ruben Dias oo Manchester City khadka dambe uga ciyaara, kaas oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee uu ku qaatay Etihad Stadium ka sameeyey qaab ciyaareed cajiib ah.Laacibka reer Portugal ayaa isbeddel badan ku keenay khadka dambe ee Man City, isagoo ka caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka Premier League iyo Carabao Cup, sidoo kalena finalka Champions League ayay yimaaddeen oo ay Chelsea ka qaadday. Majaladda caanka ku…

XAASAASI: Pep Guardiola Oo Shaaciyey In Uu U Baahan Yahay Fasax & UK

Kaddib markii laga qaaday Champions League oo ay Chelsea kulankii ugu dambeeyey 1-0 ku garaacday, Pep Guardiola ayaa shaaciyey in uu u baahan yahay fasax, isagoo aan qayb ka noqonin ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka ee dib ugu duulay Ingiriiska.Guardiola oo Manchester City ay u magacowday tababaraheeda February 2016, ayaa waqtigaas qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah iyadoo uu kooxdana hoggaamiyey xilli ciyaareedkii 2016-17, hase yeeshee mar kale ayuu heshiiskiisa cusboonaysiiyey.Shanta sannadood ee uu joogay…

Xiddig Ka Tirsan Tottenham Oo Shaaciyey In Tegayo & Kooxda Uu Ku

Tottenham Hotspur ayaanay sugnayn mustaqbalka xiddigo dhawr ah xilli ay kooxdaasi u degtay kaalinta toddobaad oo ay ka qayb-geli doonaan tartan aanay cidina doonayn in ay ciyaarto oo dhowaan la sameeyey, loona arko in uu yahay mid bahdilaad ku ah naadiyada waaweyn.Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ahaa ciyaartoyga ugu weyn ee hadal-hayntu ka taagnayd, isla markaana dhowaan bixiyey waraysi uu shaki ku geliyey mustaqbalkiisa, isla markaana ka farxiyey Manchester City iyo Manchester United.Laakiin hadda waxa soo…

Maxaa Ka Jira In Pochettino Uu SHALAY Ku Wargeliyey PSG In Uu Iska

Tababaraha reer Argentina ee Mauricio Pochettino ayay warbaahinita Ingiriisku shalay sheegeen in uu ku wargeliyey PSG, in uu iskaga tegayo, xilli ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Tottenham ay si weyn u doonayaan.Warkan oo aanu shalay idinla wadaagnay, waxa hadda kasoo korodhay arrin kale oo kooxihii doonayay macallinkan aanay jeclaysan doonin.Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu Pochettino ka tegayo kooxda reer France, isla markaana uu naadigiisa ku wargeliyey inuu…