QIIMAYN: 50ka Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Premier League
Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry ayaa loo magacaabay weeraryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu ka horreeyaa halyeygii Newcastle iyo xulka qaranka England ee Alan Shearar.
Henry oo ay da’diisu tahay 43 jir ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa ee qarniga 21aad ee afka hore ee weerarka, waxaana uu dhowaan ka mid noqday xiddigaha la geliyey ‘Premier League Hall of Fame’ oo hadda la sameeyey, isla markaana lagu ururinayo ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa, waxaanay ku wada jiraan Shearer.
Laba horyaal oo Premier League ah iyo laba FA Cup oo uu ku guulesytay, waxa uu usii dhaafay Barcelona oo uu ku xaqiijiyey riyadiisii ahayd in uu ku guuleysto Champions League.
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo Axaddii lagu sagootiyey Sergio Aguero oo ka tegaya Man City oo uu 11 sannadood u ciyaarayay, ayaa waxa uu noqday ciyaartoyga kusii jira garoomada ee weerarka ee ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League, waxaanu ku xigaa Henry, Shearer iyo Wayne Rooney.
Qiimayn ay samaysay shabakadda 90min ayaa waxa lagu soo bandhigay weeraryahannadii ugu fiicnaa, waxaana tobanka sare soo galay Harry Kane oo noqday ciyaartoyga labaad ee wali garoomada kusii jira ee ka mid noqda tobanka weeraryahan ee ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League.
Halkan kaga bogo 50ka weeraryahan ee ugu wanaagsanaa Premier League:
42. Pierre-Emerick Aubameyang
21. Jimmy Floyd Hasselbaink