Paul Scholes Oo Magacaabay Labada Xiddig Oo Ay Waajib Tahay In Man

Manchester United waa in ay samayso laba saxeex oo ay kusoo kordhiso safka tababare Ole Gunnar Solskjaer si ay usoo qaban karto Manchester City oo horyaalka ku guuleysato sida uu sheegay halyeygii kooxdaas ee Paul Scholes.

Red Devils ayaa culays badan saaran yahay, iyadoo taageereyaashu ay ku mudaharaadsan yihiin mulkiileyaasha qoyska reer Glazer oo ay ka dalbanayaan in ay kooxda iibiyaan, laakiin waxay qoyskani doonayaan in ay mudaharaadka jamaahiirta  iskaga aamusiiyaan saxeexyo iyo xiddigo ay kooxda keenaan xagaagan.

Manchester United ayaa lala xidhiidhinayaa tiro ciyaartooyo waaweyn oo ay ku jiraan Erling Haaland iyo Harry Kane, laakiin Edinson Cavani oo dhowaan 12 bilood oo heshiis cusub ah saxeexay iyo Mason Mount oo bandhig fiican ka samaynaya garoomada, ayay tahay in kooxdu lacageeda boosas kale geliso oo ay labadan ciyaartoy ee qaaliga ah iska dayso.

Scholes ayaa aaminsan, in Ole Gunnar Solskjaer uu u baahan yahay ciyaartoy kubbad-sameeye hal-abuur badan leh sida Bruno Fernandes oo kale, isla markaana sare u qaada tayada kooxda ee afka hore, kuna soo kordhiya xoog iyo difaac adag oo khadka dambe la wadaaga Harry Maguire.

Halyeyga United ayaa tibaaxay in Victor Lindelof uu fiican yahay balse ay tahay in kooxdu ay hesho ciyaartoy kasii wanaagsan, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay, in aanu u baahanahay ciyaartoy khadka dhexe oo hal-abuur leh. Grealish ama Sancho midkood.

“Way wanaagsanaan lahayd difaac dhexe oo lugta bidix ku ciyaara, laakiin ilama aha in loo baahan yahay, ilama aha in ay daruuri tahay taasi. Waxa aan jeclaan lahaa in aan arko difaac dhexe oo garab taagan Maguire.

“Lindelof wuu fiican yahay laakiin ma gaadhsiisna heerkii uu kooxda ka caawin lahaa in ay ku guuleysato horyaalka. Marquinhos oo PSG ah ayaa difaac heersare oo Maguire la ciyaara noqon lahaa, laakiin waxa uu ku kacayaa lacag badan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More