Isku-aadka Champions League Ee Xilli-ciyaareedka Dambe Iyo Kooxaha

Isku-aadka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe  ayaa durba qish laga sii helayaa kaddib markii ay soo dhamaadeen xilli ciyaareedyada horyaallada qaaradda Yurub oo Axaddii lasoo gunaanaday.

Liverpool ayaa ku jirta dhalada/quraaradda (Pot) 2, inkasta oo ay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee  horyaalka Premier League, waxaanay ka badbaadday in ay soo gasho dhalada/quraadda 3aad, taas  oo ku beegi lahayd laba kooxood oo kale oo waaweyn oo ay isku group noqon lahaayeen tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu uga mahad-celinaysaa guushan xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane oo laba gool u dhaliyey kulankii ay Crystal Palace ku gaaraaceen Axaddii ee ay ku xaqiijisteen in ay Champions League qayb ka noqdaan xilli ciyaareedka dambe.

Reds oo bilihii u dambeeyey u dhaxaysay boosaska, lixaad, toddobaad illaa siddeedaad oo ay mar u degtay, ayaa tobankii kulan ee ugu dambeeyey waxay guuleysatay siddeed jeer iyo labada kale oo ay barbarro galeen, waxaana isku xigay lix ka mid ah guulahaas, sidaas ayaanay ku yimaaddeen kaalinta saddexaad.

Liverpool oo Champions League ku guuleysatay sannadkii 2019, ayaa sida ka muuqata dhalooyinka kooxaha Champions League ee isku-aadka laga samayn doono, waxay Port 2 ku wada jiraan kooxaha ugu waaweyn sida Real Madrid, Barcelona, Juventus iyo Paris Saint-Germain oo dhamaantood aan kaalinta koowaad kasoo gelin horyaalladooda.

Tani waxay ka dhigan tahay in Liverpool ay ka  badbaadi doonto afarta kooxood ee sare ku xusan isku-aadka wareegga Group-yada ee tartanka Champions League. Waxa kale oo Pot 2 kula soo biiraya Manchester United iyo Chelsea, waxaanay taasi muujinaysaa in kooxaha ugu waaweyn Yurub ay ku jiraan dhalada 2.

Kooxaha sare ku xusan ayay ku biiri kartaa Chelsea haddii ay ku guuleysato Champions League, sidoo kalena Manchester  United, Villarreal ama Zenit St Peterburg ayaa iyaguna qayb ka noqon karaya.

Naadiyadan sare ku xusan, ayaa waxay si toos ah iskugu beegmi karayaan wareega group-yada, kooxaha ku jira Pot 1 ee Atletico Madrid, Bayern Munich, Inter, Man City iyo kooxaha kale ee la xaqiijin doono.

Sida ay kooxuhu ugu kala jiraan dhalooyinka:

 

Champions League Pot 1: Atletico Madrid, Bayern Munich, Inter Milan, Lille, Sporting Lisbon, Manchester City, Chelsea ama Zenit St Petersburg, Manchester United ama Villarreal

Champions League Pot 2: Barcelona, Juventus, Liverpool, Paris Saint-Germain, Real Madrid, Sevilla, Manchester United*, Chelsea*