WAR BUUXA: Erling Haaland Oo Ugu Dambayn Caddeeyay Haddii Uu Borussia
Weeraryahanka da’yarka ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa kooxdaas maanta xilli lala xidhiidhinayay inuu suuqa xagaaga sanadkan ka dhaqaajinayo gegida Signal Iduna Park.
Haaland ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo laga xusi karo Real Madrid, Barcelona, Manchester City, Chelsea iyo Manchester United.
Kooxdiisa ayaa kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan dhammaaday awooday inay usoo baxdo Champions League xilli ciyaareedka dambe isla markaana ku guuleysato koobka DFB Pokal.
Haaland ayaa sheegay in soo bixitaankii Dortmund ee Champions League ay ahayd mid aad muhiim ugu ah mustaqbalkiisa kooxda sidaas darteedna uu xilli ciyaareed kale ugu yaraan sii joogayo sida ay maamulka kooxduba hore u xaqiijiyeen.
Erling ayaa yidhi “Borussia Dortmund ma waxay tidhi inaan 100% sii joogayo xagaagan? heshiis ayaan kula jiraa BVB sidaas darteed waan ixtiraami doonaa”
“In booska Champions League la xaqiijiyo aniga aad ayay muhiim iigu ahayd, waxaan doonayaa inaan Champions League ka ciyaaro riyooyin waaweyn ayaanan leeyahay”