WARBIXIN: Afarta Tababare Ee Shaqada Real Madrid Tartanka Ugu Jira &
Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inaysan wax deg-deg ah u geli doonin si ay u magacawdo tababaraha cusub ee kooxdeeda kaddib markii uu Zinadine Zidane ka dhaqaajiyay markii labaad saddex sano gudaheed.
Afarta tababare ee ku tartamaya jagada uu baneeyay ninka French-ka ahi ayaa kala ah Mauricio Pochettino, Antonio Conte, Raul Gonzalez iyo Xabi Alonso.
Bixitaanka Zidane ayaan ahayn mid layaab weyn ku ah jamaahiirta kubadda cagta maadaama oo uu horeba kooxda mar uga tagay isla markaana la filayay inuu baxo kaddib xilli ciyaareed bilaa koobab ah.
Wargeyska Marca ee magaalada Madrid kasoo baxa ayaa bixitaanka Zidane ku dabaaldegay guulihii uu tababarahaasi kooxda la gaadhay labadii wakhti ee uu joogay.
Zizou ayaa kula soo guuleystay saddex Champions League, laba horyaal La Liga, laba European Super Cup, iyo laba koob oo koobka kooxaha aduunka ah.
Marca ayaa sheegay in Madrid aysan wax deg-deg ah ugu jirin magacaabista tababaraha dhaxlaya Zidane iyadoo sidoo kale faqradii soo baxday maanta oo Jimce ah lagu sheegay afarta tababare ee ku tartamaya booskaas.
Dhinaca kale wargeyska AS ayaa hore u qaaday talaabo isaga oo sheegaya in tababaraha Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino uu yahay macalinka ugu cad-cad inuu helo shaqadaas walow uu bilo kahor uun la wareegay Paris.
Hal nin oo gabi ahaanba liiska laga saaray ayaa ah Massimiliano Allegri kaas oo la filayo inay Juventus shaaciso magacaabistiisa tababarenimo markale saacadaha soo socda.
Wararka sheegaya in Pochettino uusan ku faraxsanayn PSG ayaa ah kuwo dhinacooda xoogaysanaya iyadoo lala xidhiidhinayo ku laabashada Tottenham oo bilaa tababare ah hadda.
Conte ayaa ah mid la heli karo kaddib markii uu Inter Milan ka tagay, Raul ayaa hoggaan u ah Real Madrid B halka uu Xabi Alonso yahay macalinka Real Sociedad B.