Muxuu Edinson Cavani Ka Yidhi In Manchester United Uu U

Edinson Cavani ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu qaato masuuliyadda shaadhka no.7 ee Manchester United ay u xidhay, kaas oo sannadihii ugu dambeeyey ay ciyaaryahannadii loo geliyey ku fashilmeen inay la yimaaddaan bandhigyadii laga filayya.

Cavani ayay Manchester United si bilaash ah kula soo wareegtay maalintii ugu dambaysay ee suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanu qalinka ku duugay heshiis 12 bilood ah iyo sannad kale oo dheereaad ah oo doorasho ahaan loo siiyey.

Manchester United ayaa salaasadii shaacisay in Edinson Cavani uu xidhan doono lambarka caanka ah ee halyeeyadu xidhan jireen ee No.7, kaas oo ahaa midkii uu kula bilowday Napoli iyo Palermo ka hor intii aanu PSG oo uu uga dambeeyey u xidhanin No.9.

No.7 ayaa bannaanaaday markii Manchester United ay burburisay heshiiskii ay kula jirtay Alexis Sanchez oo si rasmi ah ugu biiray Inter Milan, waxaana Edinson Cavani sugaysa shaqo adag oo ah in marka uu xidho No.7 uu u shaqeeyo sidii George Best, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo, balse uu ka fogaado inuu raaco daqiiqii Angel di Maria, Memphis Depay iyo Alexis Sanchez.

Edinson Cavani ayaa ballanqaaday inuu dib usoo celin doono sharafta iyo karaamada lambarkani leeyahay, waxaana isaga oo la hadlayay warbaahinta uu yidhi: “Aniga sharaf weyn ayay ii tahay inaan Manchester United u xidho No.7. Hadda waxaan isku diyaarinayaa masuuliyaddan, inaan sida ugu wanaagsan u shaqeeyo si aan diyaar u noqdo, aanan ku raaxayso. Waxa aan rajaynayaa inaan calaamad ka noqon doonto Manchester United.

“Waxaan haystaa laba sannadood oo heshiis aan ugu ciyaarayo Manchester United, waxaanan doonayaa inaan wax walba u sameeyo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More