MUCJISO: Xogtii Xalay Looga Diiwaan Geliyay Pedri Kulankii Talyaaniga

Da’yarka xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Pedri Gonzalez ayaa soo sameeyay xog cajiib ah kulankii xalay dalkiisu rigoorayaasha kaga hadhay tartanka Euro 2020 markaas oo ay kahor tageen dhigooda Spain ciyaar ka dhacday gegida Wembley.

Pedri oo kaliya 18 sano jir ah ayaa xilli ciyaareedkan 65 kulan soo metelay kooxdiisa iyo xulkiisaba isaga oo inta badan kulamadaas kusoo bilawday taas oo muujinaysa sida uu dedaal badan usoo sameeyay.

Kulankaas oo rigoorayaal la isla gaadhay ayuu xulka Talyaanigu sidaas ku gaadhay Final-ka Euro iyaga oo sugaya midka caawa soo baxa England iyo Denmark.

Arrinta cajiibka ah ee xalay ka dhacday ciyaartii dhex martay La Roja iyo Azzuri ayaa ahayd inuu Pedri soo saxay dhammaan baasaskii uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartaasi ay socotay.

Pedri oo guud ahaan 67 baas dhiibay 120-ka daqiiqo ee ciyaartaasi socotay ayaa 65 kamida saxay isaga oo labada baas ee uu qalday ay yimaadeen wakhtigii dheeriga ahaa. 18 sano jirkaas ayaa muhiim ka ahaa in xalay Spain ay dagaalka khadka dhexe kaga guuleysato Talyaaniga.

Dhinaca kale inta uu socday Euro 2020 oo dhan Pedri ayaa ahaa ciyaaryahanka masaafada ugu badan daboolay ee orday.

Tababare Luis Enrique oo kulanka kaddib amaanay da’yarkaas ayaa sheegay inuusan xataa Andres Iniesta sidaas u fiicnayn markii uu 18 sano jirka ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More