Maxay Tahay Digniinta Ka Soo Yeertay Kylian Mbappe Ee Ku

Kylian Mbappe ayaa uga digay Manchester United in kooxdiisa PSG ay ka go’an tahay kaliya guul inkastoo ay ka horimaanayaan xiddigoodii hore Edinson Cavani oo xiran maaliyada Red Devils.

- Advertisement -

Saxiixa cusub Cavani oo 33 sanno jir ah ayaa lagu sawiray tababarka Manchester United markii ugu horeysay maanta ka hor kulanka Champions League ee ay habeenka Talaadada la ciyaarayaan PSG.

Mbappe ayaa ka garab ciyaari jiray weeraryahanka cusub ee Red Devils markii ay wada joogeen kooxda Paris Saint-Germain.

Laakiin haatan waa ay iska horimaan doonaan kulanka la sugayo ee Champions League ee habeenka Talaadada.

Mbappe oo 21 sanno jir ah ayaa sheegay inay noqon doonto wax qariib ah inuu wajaho xiddigii ay iska garab ciyaari jireen, laakiin waxa uu sheegay in kooxda heysata horyaalka Faransiiska inay ka go’an tahay inay garaacdo Man United.

Sida ay sheegtay Get Football News France, xiddiga Faransiiska ayaa ka yiri Cavani: “Wuxuu haatan joogaa koox kale, waxaana u rajeynaya wanaag.

“Diyaar ayaan u nahaya inaan ka horimaano, waxaana isku dayi doonaa inaan garaacno isaga”

Dhanka kale, weeraryahanka Uruguay ayaa sheegay inuu dareemayo dareen qurux badan haddii kulankiisa ugu horeysay ee Manchester United ay noqoto inuu ka horyimaado kooxdiisa hore.

Isagoo ka hadlayay inuu wajahayo PSG, wuxuu yiri: “Waxaan doonayaa inaan khibrad u yeesho waqti cajiib ah oo cidna aysan ku fekerin inay dhici doonto.

“Waxay noqon doontaa wax cajiib ah, dareen qurux badan”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More