Mario Balotelli ayaa go’aansaday inuu shaxdiisa xiddigihii abid ugu fiicnaa ka reebo Cristiano Ronaldo.
30 jirkaan ayaa kaliya labo xiddih oo Premier League ah ku soo darsaday shaxdiisa halka halyeeyga reer Brazil Ronaldo uu u xushay inuu weerarka la hogaamiyo Lionel Messi.
Balotelli ayaa la weydiiyay inuu magacaabo shaxda xiddigihii ugu fiicnaa abid isagoo ku jira akoonka Puma Football isaga iyo Thierry Henry.
Weeraryahanka oo haatan bilaa koox ah ayaa xushay xiddigihii ay iska garab ciyaareen ee Premier League Yaya Toure iyo Steven Gerrard.
Messi iyo Ronaldo ayaa ahaa labada weeraryahan halka Alessandro Nesta iyo Fabio Canavaro uu geystay wadnaha daafaca.
Isagoo ka hadlayay kooxdiisa, Baloteli ayaa yiri: “Pirlo wuxuu ku balanqaadayaa 10 gool sannad walba, Yaya wax walba ayuu sameyn karaa
“Waa koox aad u fiican inkastoo aan adiga (Henry) ka tagay, waxaan sidoo kale ka tagay Cristiano Ronaldo.”
Balotelli ayaa horyaalka Premier League kula guuleystay Manchester City sannadkii 2012 ka hor inta uusan sannadkii 2013 ku biirin Milan.
Wuxuu ku laabtay England isagoo u ciyaaray Liverpool sannadkii 2014 laakiin wuxuu ku hungoobay inuu ka dhex muuqdo Anfield.
Wuxuu dhawaan ka tagay kooxda Brescia oo kansashay qandaraaskiisa isagoo aan heysan wax koox ah.
Shaxda Balotelli:
(4-1-3-2): Cesar, Maxwell, Nesta, Cannavaro, Maicon, Pirlo, Toure, Cassano, Gerrard, Ronaldo, Messi