Manchester United waligeed kuma guuleysan Premier League

Khabiirka kubada cagta Ingriiska Paul Merson ayaa sheegay in Manchester United aysan waligeed ku guuleysan doonin Premier League la’aanta Edinson Cavani oo ah gooldhaliyahooda ugu sareeya.

Xiddiga reer Uruguay ayaa ku biiray United xagaagii kadib markii uu dhacay heshiiskiisii ​​kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Cavani ayaa muujiyay inuu wali haysto tayada gooldhalinta isla markaana uu ka mid yahay weeraryahanada aduunka ugu fiican, inkasta oo uu ugiu wakhtigiisii ​​dhaafay laakiin ma cada in uu sii joogi doono Old Trafford kadib xilli ciyaareedkan.

Horraantii toddobaadkan, aabihiis ayaa sheegay in wiilkiisu aanu ku faraxsanayn magaalada Manchester isagoo ujeedkiisu yahay inuu ku laabto Koonfurta Ameerika si uu ugu ciyaaro kooxda reer Argentina ee Boca Juniors.

Inkastoo Solskjaer uu shaki ku jiro inuu horumar ka sameeyay United, xiddigii hore ee Arsenal Merson ayaa rumeysan inaysan waligood ku guuleysan doonin horyaalka ilaa ay ka helayaan bedelka saxda ah ee Cavani kooxda lala xiriirinayo Erling Haaland iyo Harry Kane.

“Waxaan taageere weyn u ahay Cavani, waxaan u maleynayaa inuu yahay laacib qaas ah laakiin Man Utd waa inay ku guuleysataa Premier League mana qaadi karaan Premier League iyadoo Cavani uu hortaagan yahay” ayuu Merson u sheegay Sky Sports

“Waa inay soo jiitaan weeraryahan sare. Cavani fursad uma lahan inuu ciyaaro 38 kulan oo Premier League ah isla markaana uu dhaliyo 25 gool.

“Wuxuu ahaan jiray ciyaaryahan wanaagsan laakiin ma ahan nin loo keenay inuu tababar siiyo dhalinyarada. Ciyaartoydu way caawinayaan, laakiin haddii aad keento Haaland ama Harry Kane ma ciyaaro, waxaad khasaarineysaa mushaarka 100,000 asbuucii.

Uma maleynayo inay heystaan ​​lacag ku filan oo ay ku soo iibsadaan weeraryahan sare isla markaana ay ku sii hayaan Cavani. ”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More