Barcelona iyo Sergio Aguero ayaa isku raacay

Barcelona ayaa heshiis la gaartay weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero si bilaash ah, waxaana la fahamsan yahay inuu heshiis dhow yahay.

Madaxweynaha cusub ee Barcelona Joan Laporta ayaa ogolaaday heshiis labo sano ah oo uu 32 jirkaan kula sii joogayo ilaa sanadka 2023.

Weeraryahanka reer Argentine qandaraaska uu kula jiro Manchester City wuxuu dhacayaa xagaagan, taasoo la micno ah inuu xor u yahay inuu heshiis u saxiixo koox aan Ingriis aheyn laga bilaabo bisha Janaayo sidoo kale wuxuu u dhaqaaqi karaa koox Ingariis ah xagaaga.

Sida laga soo xigtay AS, sababta kaliya ee aan wali heshiiska loo saxiixin ayaa ah in Laporta aanu wali si Rasmi ah ula wareegin madaxtinimada Barcelona inkasta oo la doortay, halka Carles Tusquets uu wali kooxda si ku meel gaadh ah u hayo.

Wakiilka Aguero Hernan Reguera ayaa u soo bandhigay ciyaaryahanka oo guul u soo hooyay 97 kulan oo caalami ah xulka Argentina seddex jeer oo uu u tartamayay madaxtinimada waxaana si diiran u soo dhaweeyay Laporta.

Kooxda reer Catalans ayaa durbaba si xor ah kula soo saxiixatay daafaca Manchester City Eric Garcia (20) iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isbedelada ka dhacay Camp Nou ayaa ku qanciyay Aguero inuu ogolaado inuu u dhaqaaqo Barcelona waxaana xalay ay dhaliyeen goolkoodii ugu horeeyay ee Premier League xilli ciyaareedkaan.

Heshiiska qandaraaska ayaa sidoo kale loo isticmaalay in lagu qanciyo Lionel Messi looga doonayo inuu sii joogo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More