Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:55
Muqdisho 28°C
Breaking: Somalia Strengthens Central Bank to Secure Future of Digital Payments
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Ma I Daawanaysaa Mourinho? – Luke Shaw Oo Xalay Wacdarro Ku Dhigay

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Ma I Daawanaysaa Mourinho? - Luke Shaw Oo Xalay Wacdarro Ku Dhigay

Daafaca bidix ee kooxda Manchester United iyo xulka England ee Luke Shaw ayaa xalay qaab ciyaareed heer sarre ah kasoo sameeyay wareega siddeeda ee tartanka Euro kulan ay guul weyn ka gaadheen Ukraine oo ay caasimada Talyaaniga ee Rome ku kulmeen.

Arrinta xiisaha gaarka ah u yeeshay qaab ciyaareedka Luke ayaa ahayd inuu ku ciyaarayay garoonka Stadio Olimpico oo ah gegida kooxda cusub ee Jose Mourinho ee AS Roma xilli uu waliba Mourinho shalay Jimcihii ka degay magaaladaas.

Luke ayaa laba gool caawiye ka ahaa afartii gool ee xulka England xalay dhaliyay, goolka uu ugu horreyn caawiyay oo uu Harry Maguire saxeexay ayuu soo tuuray kubad qalad ahayd oo loo dhigay xulkiisa.

Kahor kulanka xalay, Mourinho ayaa ku eedeeyay Luke Shaw inuusan ahayn mid ku wanaagsan tuurista kubadaha qaladka ah iyo koornooyinka ee England hesho balse 25 sano jirkaas ayaa u muuqday mid xalay jawaab cad u diray.

Marka laga yimaado bandhigaas xalay, Shaw ayaa ah mid hoggaaminaya dhinacyo badan oo ah xogaha ilaa haatan laga ururiyay Euro waxaana ay kala yihiin.

Baasaska ugu badan ee xerada ganaaxa xulka kale la dhigay (21)Fursadaha ugu badan ee la abuuray (8)Fursadaha ugu badan ee ciyaar furan laga abuuray (5)Fursadaha waaweyn ee ugu badan ee la abuuray (4)Caawimooyinka ugu badan ee la sameeyay (3)

How do you rate this story?

0 votes