Luis Enrique: “Waxaan Arkay Sidii Talyaanigu Ka Yeeleen Romelu Lukaku,

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa xaqiijiyey in uu isticmaalay 9 been ah kulankii xulka qarankiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee Talyaanigu rikoodheyaasha ku reebay, waxaanu sheegay in uu sii helay tusaale nool kaddibna uu ogaaday in aanu Alvaro Morata waxba ka qaadi karaynin difaaca Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa gool la hormaray qaybtii dambe ee ciyaartii Wembley ee semi-finalka Euro 2020, waxaase ka dhaliyey goolka barbarraha Alvaro Morata oo beddel kusoo galay, waxaanu meesha ka saaray goolka uu Azzuri u saxeexay Federico Chiesa, taas oo keentay in waqti dheeraad ah lagu daro ciyaarta.

Si kastaba, Enrique ayaa rumaysnaa in aanu Morata gool ka dhalin doonin Talyaaniga, sidaas ayaanu ku fadhiisiyey isagoo ka door-biday Dani Olmo iyo Mikel Oyarzabal.

Kaddib guul-darradii waddankiisa ayaa uu Enrique yidhi: “Waan ku faraxsanahay wixii aan arkay, cajiib ayuu ahaa heerka labada kooxood ee tayada lahaa, kuwaas oo isku dayay inay ciyaaraan kubbad wanaagsan. Waxay ahayd kubbad heerkeedu sarreeyey.

“Waan u hambalyaynayaa Talyaaniga, waxaanan rajaynayaa in ay bandhig kale samayn doonaan Finalka iyagoo isku dayaya inay koobka ku guuleystaan.”

Luis Enrique waxa uu sheegay in aanu qoomamaynayn shaxdii uu ku ciyaaray, waxaanu yidhi: “Ma jirto wax aan ka qoomamoodo. Qof walba waa in uu shaqadiisa qabsado oo uu sameeyo wax walba oo karaankiisa ah. Talyaanigu wuxuu ku bilowday xoog aan caadi ahayn, waxa aanu samaynayna wuxuu ahaa sidii laba baabuur oo baratamaya, iskuguna dhacaya waji-ka-waji iyo noocii kubbadeed ee ugu wanaagsanaa ee aan abid ku arko Yurub.”

Sababtii uu Morata u fadhiisiyey ayuu ka sheekeeyey,  waxaanu tibaaxay in uu laacibkan u fadhiisiyey si aanay ugu dhicin sidii Lukaku oo ay soomiyeen, go’doonna ka dhigeen difaaca Talyaanigu, waxaanu yidhi: “Waxa aan arkay sidii ay Chiellini iyo Bonucci u xakameeyeen Lukaku, waxaanan ku fikirayay in ay fiican tahay in aan tusaale ka qaato oo aan ciyaartoy kale kusoo daro khadka dhexe. Wuxuu ahaa qorshe wanaagsan, waxa aanu ka adkaanay cadaadiskii Talyaaniga, si fiicanna waanu u ciyaarnay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More