“Lug Doofaar Ayaanu U Diri Doonaa Si Aanu….” – Colaadii Spain & Van
Khadka dhexe ahna kabtanka xulka qaranka Spain ee tartanka Euro 2020 ee Sergio Busquets ayaa il-wareedka Cadena SER siiyay waraysi dheer oo uu kaga hadlay arrimo badan xilli ay isku diyaarinayaan wareega 16-ka ee tartankaas.
Mid kamida waxyaabaha xasaasiga ah ee uu ka hadlay Busquets ayaa ahaa inuu u jawaabay halyeeyga xulka Netherlands ee Rafael Van Der Vaart kaas oo dhawaan qiimayn bahdil ah ku sameeyay xulka lagu naanayso La Roja.
Ugu horreynba Busquets oo ka hadlay haddii uu ka cadhooday eedaymaha xulkiisa Spain loosoo jeedinayo ayaa sheegay inuusan wax dareen cadho ah qaadin maadaama ay kubadda cagtu sidaas tahay.
“Miyaan wax ka cadhooday? Maya, waanu ognahay waxa ay kubadda cagtu ku saabsan tahay waananu u furanahay eedaymaha laakiin sidii aan dhawaan idhi waxaan filayaa inay dadka qaar xuduudka ka gudbeen oo ay yidhaahdeen faalooyin xushmad la’aan ah” ayuu yidhi Sergio.
Markale Busquets oo ka hadlaya hadalkii Van Der Vaart ku duray taatikada La Roja ayaa sheegay inay lug doofaar hadiyad ahaan ugu diri doonaan oo ay abaal celin uga dhigayaan.
“Waxaanu nahay kuwo isaga abaal badan u haya, waxaanu isaga u diri doonaa hilib lug doofaar ah” ayuu yidhi Busquets oo ka hadlaya Rafael.
Mar la weydiiyay haddiiba uu abid sidii Van Der Vaart oo kale u hadli doono ayuu yidhi Busquets “Kuma dhaco, ixtiraam badan ayaan hayaa”
Cadhada iyo colaada u dhaxaysa Van Der Vaart iyo xiddigaha Spain ayaa ah mid sarreysay maalmahan ugu dambeeyay iyadoo xiddigo badan oo xulkaas ka tirsani ay u jawaabeen halyeeyga kubadda cagta Netherlands oo sheegay in xulkoodu uusan lahayn hal xiddig oo kala duwanaansho samayn kara.