Kaadhka Huruudda Ah Oo Lagu Baxayo, Waqtiga Ciyaarta Oo La Yaraynayo

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa isbeddello waaweyn ku samaynay kubadda cagta Adduunka, waxaana ciyaar kasta la dareemi doonaa in aanay la mid ahayn sida hadda ay wax yihiin.

FIFA ayaa ka fiirsanaysa hirgelinta dhawr qorshe oo ay dib ugu cusboonaysiinayso kubadda cagta, waxayse xaqiiqadu tahay in wejigii kubadda cagta, qaabkii loo ciyaarayay, waqtigii iyo wax walba isbeddeli doonaan.

Arrintan oo ka dhalatay cabashadii madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo sheegay in da’yartu aanay wax xiiso ah u haynin kubadda cagta, sidoo kalena waqtiyada dhaadheer ee ay garoomada ku luminayaan ay qayb ka tahay, ayay hadda lasoo bandhigay afar isbeddel oo waaweyn.

“Dadkan da’yarta ah waqtiga ciyaaruhu aad ayay ugu dheer yihiin, mana xiisaynayaan. Waa in waqtiga ciyaaraha la gaabiyo.” Ayuu yidhi Perez oo ka hadlayay tartankii ka fashilmay ee Super League.

Waxa uu Perez soo jeediyey in la badbaadiyo kubadda cagta, lagana dhigo mid xiise gelinaysa da’yarta, isagoo ku dooday in sida hadda ay yihiin aanay kusii socon karin.

FIFA ayaa la timid qorshe ay qaarkood jawaab u yihiin Perez, kuwaas oo kala ah:

1) Ciyaarta oo loo qaybiyo laba qaybood oo min 30 daqiiqadood ah

Hadda waxa la ciyaaraa laba qaybood oo min 45 daqiiqadood ah, taas oo ka dhigan in ciyaar walba ay soconayso ugu yaraan 90 daqiiqadood. Qorshahan cusub waxa uu ka dhigayaa ciyaarta laba qaybood oo min 30 daqiiqadood ah, waxaanay ciyaartu ku dhamaanaysaa 60 daqiiqadood oo kali halkii ay ka ahayd 90 daqiiqadood.

2) Beddelka oo aan xad yeelan doonin

Waxaynu xilli ciyaareedkii tegay iyo tartankii Euro 2020 iyo waliba Copa America aynu soo aragnay shan beddel oo ay kooxuhu samayn karaan iyo haddii waqti dheeraad ah ciyaarta lagu daro oo lix beddel la ogol yahay, taasina waxay beddeshay saddexdii beddel iyadoo sababtuna ahayd fayraska korona. Qorshaha cusub ee FIFA, waxa uu gebi ahaanba meesha ka saarayaa in kooxda loo tiriyo inta beddel ee ay samaynayso, waxaanay xataa xor u noqonaysaa in 11ka ciyaartoy ee garoonka ku jiraba ay beddeli karto.

3) Gacan-tuurashada oo laad lagu beddelayo

Marka ay kubaddu ka baxdo dhinaca garoonka, waxay kooxda yeelatay ay ku tuurataa gacanta, laakiin qorshahan cusub ee FIFA wuxuu meesha ka saarayaa in gacanta lagu tuuro kubadda, waxaana loo beddelayaa in garoonka dhexdiisa lasoo geliyo kubadda oo halkii ay ka baxday ah, kaddibna la laagto.

Waxa hore hindisahan usoo jeediyey tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger oo hadda ah madaxa FIFA u qaabilsan horumarinta kubadda cagta caalamiga ah.

4) Kaadhka digniinta ah oo ciyaartoygu ku baxo

Ciyaaryahanadda qaata kaadh digniin ah, waxa uu dibedda uga baxayaa garoonka muddo shan daqiiqadood ah oo uu ka xayirnaanayaa ciyaarta.

Dhowaan ayaa la qabanayaa tartan u dhaxayn doona kooxaha PSV Eindhoven, AZ Alkmaar, RB Leipzig iyo Club Brugge, kuwaas oo ciyaartoydooda 19-jirradu ay iskaga hor iman doonaan. Waxa tartankan lagu tijaabin doonaa in ciyaartoyga kaadh digniin ah qaata uu muddo shan daqiiqadood ah bannaanka fadhiyo.

FIFA ayaa qiimayn doonta afartan isbeddel ee ay samaynayso, waxaana la hor-dhigi doonaa guddida shuruucda kubadda cagta ee IFAB oo haddii ay ansixiyaan sidaas lagu qaadan doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More