Houssem Aouar Oo Fariin Ku Aadan Suuqa Kala Iibsiga Janaayo

Xiddiga Arsenal diirada u saaran Houssem Aouar ayaa sheegay inuu ku sii negaan doono kooxda Lyon ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedk, isagoo meesha ka saaray inuu baxayo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska ayaa ka mid ahaa xiddigaha diirada u saarnaa tababre Mikel Arteta xagaagii laakiin Gunners ayaa awoodi weysay inay heshiis la gaarto Lyon kuwaasoo 60 milyan euro ku doonayay xiddigaan.

Todobaadkii la soo dhaafay waxaa sarre u kacay rajadii ay Arsenal ka qabtay inay xiddigaan la soo wareegto bisha Janaato ka dib markii laga saaray kooxda Lyon isagoo diiday tababarka kooxda ka dib kulankii ay ka badiyeen Angers.

Laakiin wareysi uu siiyay RMC Sport, Aouar ayaa sheegay inuu sii joogayo Lyon ugu yaraan ilaa iyo xagaaga danbe, wuxuuna beeniyay inuusan ku faraxsaneyn kooxda.

“Ma arko qaab aan ugu faraxsanaan karin magaaladeyda iyo kooxdeyda. Waa wax aan fahamsaneyn waxa la iga qorayo.” ayuu yiri Aouar.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo, waxaan qaatay go’aan ah inaan joogo kooxdii i soo dhistay, waxaan ka faa’ideysanayaa maalin walba oo aan heysto.

“Wax walba oo aan doonayo waa inaan kooxdaan ku soo celiyo booskeeda anigoo kaashanaya asxaabteyda kooxda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo, waxaan leenahay hami weyn xilli ciyaareedkan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More