De Bruyne, Ederson & Mise Diaz – Xiddigaha Man City Ee Pep

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayay suurtogal tahay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona dhamaadka xili ciyaareedkan oo uu ku egyahay heshiiskiisa Manchester City, waxaana uu dib ula midoobi karaa Lionel Messi.

Victor Font oo ka mid ah murashaxiinta Madaxweynaha Barcelona ee beddelaya Josep Martia Bartomeu oo iscasilay Salaasadii ayaa waxa ololaha ku gelayaa inuu Camp Nou kusoo celinayo Pep Guardiola, isla markaana uu kusii hayn doono kooxda xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo isaguna hore u sheegay inuu ka tegayo kooxda dhamaadka xili ciyaareedka marka uu qandaraaskiisu dhamaado.

Tababare Pep Guardiola oo lagu yaqaano in kooxaha uu tego uu si weyn u dhiso, isla markaana naadiyada uu kasii tegayo uu kasii qaato qaar ka mid ah laacibiinta uu rumaysan yahay inay udub-dhexaadka u noqon karayaan naadigiisa cusub oo ay guulo ku wada bilaaaban karaan, ayaa waxa uu isku deyi doonaa inuu Camp Nou iskugu geeyo ciyaartooyo guulo gaadhsiin kara, haddii uu qaato go’aanka ah inuu ku laabto Catalonia.

Guardiola oo sannadihii uu joogay Barcelona u qaaday saddex horyaal oo LaLiga ah, laba Champions League iyo koobab kale oo maxalli ah ayaan gacanta ku dhigin koob Yurub ah tan iyo intii uu ka tegay Camp Nou, iyadoo uu waliba haystay kooxo wanaagsan sida Bayern Munich iyo Man City.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay sheegtay in tababare Pep Guardiola uu ka shaqayn doono inay Camp Nou wada tagaan qaar ka mid ah ciyaartoydiisa Manchester City ee hadda iyadoo uu ka faa’iidaysan doono xidhiidhka uu la leeyahay ciyaartoydiisa.

Kevin de Bruyne oo ay da’diisu tahay 29 jir isla markaana 23 caawimood sameeyey xili ciyaareedkii hore, ayaa ah laacibka koowaad ee uu ugu kalsoonida badan yahay Guardiola ee uu jeclaan lahaa inuu sii kaysto, iyadoo haddii ay is helaan Frenkie de Jong oo dhexda uga ciyaara Barcelona, sidoo kalena ay is-garabsadaan Miralem Pjanic ay abuuri karaan dhexda ugu fiican dunida.

De Bruyne ayaa ah qorshaha koowaad sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, waxaana haddii uu ku guul-darraysto uu sidoo kale ka shaqayn doonaa Phil Foden oo qorshaha labaad ugu jira, kaas oo afka weerarka iyo khadka dhexeba ka caawin karaya Barcelona oo hadda haysata Messi, Coutinho, Dembele iyo Antoine Griezmann.

Difaaca dhowaanta ay Man City kala soo saxeexatay Benfica ee Ruben Diaz ayaa isaguna ku jira liiska xiddigaha ay indhihiisu hayaan, kaas oo uu rumaysan yahay in khadka difaaca Barcelona ee kala daadsan uu isku habayn karayo.

Oleksandr Zinchenko ayaa uu isagana u doonayaa inuu difaaca bidix kala wareego Jordi Alba oo ay da’diisu 31 jir tahay, isla markaana 340 ciyaarood u saftay Barcelona, balse ay hadda dhaawacyadiisu bateen.

Goolhaye Ederson ayaa isagana liiska ciyaartoyda uu Guardiola isku dayayo inuu geeyo Camp Nou kusoo baxay, balse waxay kooxda reer Catalonia haysataa Marc-Andre ter Stegen oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay goolhayeyaasha ugu wanaagsan dunida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More