Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Dundalk – Mikel

Arsenal ayaa isbeddel badan ku samaysay safkeeda kulanka tartanka Europa League ee ay kusoo dhoweynayso kooxda yar ee Dundalk, taas oo tababare Mikel Arteta ay muuqato in tamartooda iyo awooddoodaba uu dhayalsaday.

Tababaraha reer Spain ayaa kaydka geliyey dhamaan ciyaartoydiisa waaweyn, waxaana aan ku jirin Aubameyang, Alexandre Lacazette iyo Willian, iyadoo ay afka hore joogaan Nicolas Pepe iyo labada da’yar ee Nketiah iyo Nelson.

Khadka dhexe ayaanu joogin saxeexii cusbaa ee Thomas Partey, Dani Ceballos iyo Saka balse Xhaka iyo Mohamed Elneney ayaa hoggaaminaya khadka dhexe, waxaana ku wehelinaya da’yarka Willock.

Difaaca ayay maqan yihiin David Luiz oo dhaawac ah, Gabriel Magalhaes, Tierney iyo Bellerin, kuwaas oo ay muuqato inuu u dhigtay ciyaarta Manchester United ee usbuuca dambe.

Mustafi oo aan in muddo ah shaxda koowaad ee Arsenal ku jirin ayaa kusoo bilowday, waxaana garabkiisa taagan Kolasinac, halka Cedric iyo Maitland-Niles ay labada baalood ka ciyaarayaan.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood:

Dundalk: Rogers, Gartland, Boyle, Cleary, Mountney, Murray, Shields, McEleney, Dummigan, Hoban, Duffby.

Kaydka: McCarey, Corcoran, Gannon, Hoare, Flores, Sloggett, Leahy, Oduwa, Colovic, Kelly, McMillan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More