Lionel Messi Oo Noqday Ciyaartoyga AFRAAD Ee Dunida Oo Dhan

Lionel Messi ayaa goolkii uu ka dhaliyey Juventus kulankii xalay ay 2-0 ugu soo dhiibeen Old Lady garoonka Allianz Stadium waxa uu u ahaa mid taariikhi ah oo ku daray liiska afarta ciyaartoy ee goolasha ugu badan ka dhaliyey kubadda cagta abid.

Xiddigan lixda jeer ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan dunida ee Ballon d’Or ayaa gacan ka geystay goolkii koowaad ee uu Ousmane Dembele dhaliyey oo uu kubadda meel fog uga soo tuuray iyadoo uu dhinaca bidix joogay, halka uu laacibka reer France midigta weerarka taagnaa.

Lionel Messi oo hore u dhaliyey 720 gool oo kulamo rasmi ahaa uu ka dhaliyey ayaa waxa uu waqtigii dhamaadka ee kulankii Juventus dhaliyey rikoodhe, kaas oo ka caawiyey inuu dhaafo halyeygii reer Germany ee Gerard Muller oo uu kaalinta afraad ee ciyaartoyga ugu goolasha badan noqdo.

Xiddiga reer Argentina oo ay min 720 gool wada lahaayeen Muller ayaa hadda hiigsan doona inuu xili ciyaareedkan gudihiisa iska xaadiriyo kaalinta saddexaad ama labaad iyadoo uu waxyar u jiro dhaliyihii reer Brazil ee Romario oo saxeexay 734 gool oo kulamo rasmi ah uu ka dhaliyey, waxaana kaliya u dhexeeya 13 gool.

Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga kaalinta labaad ku jira ayaa isaguna dhaliyey 742 gool oo kulamo rasmi ahaa, waxaana uu isaguna hiigsanayaa inuu kasii fogaado Messi, isla markaana uu ku dhowaado amaba soo qabto Pele oo kaalinta koowaad ku jira, inta aanu dhamaanin xili ciyaareedkani.

Halkan kaga bogo 13ka ciyaartoy ee ugu goolasha badan dunida (goolasha kulamada rasmiga ah):

13. Alfredo Di Stefano – 516 gool

11. Zlatan Ibrahimovic – 552 gool

10. Arthur Friedenreich – 554 gool

9. Ferenc Deak – 558 gool

8. Eusebio – 615 gool

7. Josef Bican – 636 gool

6. Ferenc Puskas – 706 gool

5. Gerd Muller – 720 gool

4. Lionel Messi – 721 gool

2. Cristiano Ronaldo – 742 gool

1. Pele – 767 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More