DAAWO SAWIRRO: Ciyaaryahanadda PSG Oo U Duulay Manchester & Farriintii La
Kylian Mbappe ayaa la safray ciyaartoyda kooxdiisa PSG ee maanta u duulay waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Manchester, halkaas oo habeen dambe ay lugta labaad ee semi-finalka Champions League kula soo ciyaari doonaan Manchester Metropolis.
- Advertisement -
PSG ayaa ciyaartii hore lagaga badiyey garoonkeeda 2-1, waxaanay tegayaan Etihad Stadium iyadoo laga doonayo in ugu yaraan laba gool ay la yimaaddaan, si ay ugu gudbi karaan finalka sannadkii labaad oo xixdhiidh ah.
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo dhaawac muruqa ah qaba, ayaa qayb ka noqday safarka kooxdiisa iyadoo lagu daray liiska PSG ee kulankan.
Mauricio Pochettino ayaa nasiyey Mbappe kulankii Sabtidii ay kooxdiisa 2-1 kaga badisay Lens ee horyaalka Ligue 1, waxaana wajigiisa laga arkayay isagoo faraxsan oo la kaftamaya ciyaartoyda kale, taas oo la sheegay in ay tahay farriin muujinaysa in uu taam u yahay kulankan.
PSG waxa kale oo usoo laabtay xiddiga muddada dheer dhaawaca kaga maqnaa ee Juan Bernat, taas oo ka dhigan in kulanka Metropolis ee Arbacad auu kaliya ka maqnaanayo Idrissa Gueye oo kaadh cas qaatay lugtii hore.
Difaaca bidix ee Alessandro Florenzi oo warbaahinta la hadlay ka hor kulanka ayaa sheegay in kooxdoodu ay samayn doonto ‘wax mucjiso ah’ marka ay tagto Etihad Stadium, ayna u gudbi doonto finalka sannadkii labaad oo xidhiidh ah.
“Kulamada noocan oo kale, ma dareemaysida daal. Xaqiiqada aanad daalka u dareemayna waa dhiirigelinta, sharafta iyo in kooxdu ay doonayso natiijada wanaagsan.” Ayuu yidhi Alessandro Florenzi.
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Manner iska caddahay in aanu samayn doono wax kasta oo karaankayaga ah, si aanu jamaahiirtayada u siino ‘shay mucjiso’ oo kale ah. Taas ayaanu doonaynaa.”
Daawo sawirrada ciyaartoyda PSG ee u duulay UK: