CADAAWAD: Xiddigaha Brazil Oo Ku Maadsaday Xulka Argentina Oo

Xulka qaranka Argentina ee ka qayb-gelayay ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda magaalada Tokyo ee waddanka Japan ayaa ku hadhay wareeggii koowaad ee Group-yada, waxaana jabka soo gaadhay ku farxay xiddigaha xulka Brazil ee iyaguna ka qayb-gelaya tartanka balse sida durdurada ah ugu gudbay wareegga xiga.

Laacibka khadka dhexe ee Brazil ee Douglas Luiz ayaa bartiisa bulshada ee Instagram soo dhigay sawir uu ku dacaayadaynayo ciyaartoyda Argentina.

Group C ayaa waxa kaalinta koowaad kaga soo baxay xulka Spain, waxaana labaad soo galay Masar, halka Argentina ay gashay saddexaad oo ay sidaas kaga hadhay tartanka.

Brazil ayaa dhinaceeda usoo gudubtay wareegga siddeedda waxaanay isku beegmeen Masar.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii guul-darrada Argentina, Douglas Luiz oo sii xasuusan in bishan horraanteedii ay Argentina ka qaadday Koobka Copa America oo ka dhacay Brazil, ayaa waxa uu bartiisa bulshada soo dhigay muuqaal uu kaga maadsanayo.

Luiz ayaa soo qoray: “Nabadgelyo walaalladayda yaryaroow,”. Waxa sawirka ku wehelinayay Matheus Cunha, Reinier Jesus iyo Richarlison, waxaana ka dambeeyey oo muuqaalka laga arkayay ciyaartoyda Argentina oo murugaysan oo kasii baxaya garoonka.

Falkan ayaa la rumaysan yahay inuu jawaab u yahay xiddiga reer Argentina ee Leandro Paredes oo ku maadsaday Richarlison oo saddexlay ka dhaliyey Germany kulankiisii ugu horreeyey ee Olombikada.

Paredes ayaa waqtigaas ku yidhi Richarlison: “Bal ka warran final-kiina”, iyadoo xasuusinayay ciyaartii Argentina ay koobka kaga qaadday Brazil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More