“Borussia Dortmund Waxay Ogolaatay In Haaland Ku Dul-socdo, Waana

Halyeygii khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo Liverpool ee Dietmar Hamann ayaa canaan dusha uga tuuray Borussia Dortmund oo uu ku eedeeyey in ay ogolaatay in Erling Haaland uu ku dul-socdo, isla markaana aabbihii iyo wakiilkiisu ay u raadiyaan kooxo kale iyadoon waxba qarsanayn xilli qandaraaska laacibkan ay sannado ka hadhsan yihiin.

Borussia Dortmund ayaa Haaland kala soo wareegtay RB Salzburg bishii Janaury ee sannadkii hore, waxaana sannad iyo badh kaddib uu noqday xiddig dunida oo dhan ay indhaha ku hayso.

Laakiin arrinta yaabka leh ayaa waxay tahay, dhaqan aan hore looga arag kubadda cagta oo ay ku kacayaan wakiilkiisa iyo aabbihii oo safaro ka bilaabay qaaradda Yurub iyagoo marba la kulmaya koox, si ay u suuq-geeyaan laacibkan oo ay naadiyo badan doonayaan.

Arrintani waxay bahdilaad ku tahay kooxdiisa Borussia Dortmund oo aan wax ixtiraam ah loo muujinayn, isla markaana iyadoo qandaraas sannado ah kula jirta Haaland haddana loo iib-geynayo suuqa iyadoo aan wax talo ah laga weydiinin. Sidaa waxa rumaysan Dietmar Hamann.

Isagoo u warramayay wargeyska BILD, waxa uu Hamman saluugay kooxda Borussia Dortmund oo uu xusay in ay ogolaatay in dusheeda lagu socdo, waxaanu yidhi: “Dortmund waa inay ka fikirto sababta ay ciyaartoydu mar walba ugu dul soconayaan, waa hoggaamin la’aan.

“Dhaqanka aabbaha Haaland iyo wakiilkiisa Raiola maaha wax laga hadli karayo. Waa ixtiraam-darro ay samaynayaan. Haaddii uu doonayo in uu tago, waa in loo ogolaado in uu baxo.

“Dortmund waxay kasoo bixisay lacag badan isagoo 18 jir ah, waxaanayahayd in uu ku faraxsanaado in uu halkaas ka ciyaari karayo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More