Hogaamiyaha Soomaaliya oo fariin xasaasi ah u diray dadka baraha bulshada ku dhex faafiya wararka been abuurka ah

 
Axad, Juun, 16, 2024 (AX) – Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabada maalinta Ciida Carafo ayaa fariin muhiim ah u diray dadka baraha bulshada ku dhex faafiya wararka been abuurka iyo aflagaadada.
Hogaamiyaha ayaa sheegay in dadkaasi ujeedooyinka ugu waa weyn ee beenta iyo aflagaadada ugu dhex faafinayaan baraha Internetka iney tahay sidii ay dhaqaale uga heli lahayeen, wuxuuna xusay Hogaamiyaha inuu dadkaas ugu duceynayo in ilaahey meel kale ka siiyo irsaaqad xalaal ah .
“Beenta kuwa sheega ee dadka caaya iyo kuwa irsaaqada ka raadiya inay dadka aflagaadeeyaan waan u duceyneynaa, waxaan leyahay ku beenta dhaqaalaha ku raadiyo waxaa ka macna fican dharagta been ku raadineyso inaad baahnaato adigoo run sheegaya” ayuu yiri Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in Shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin boogo badan oo si fudud loo damqin karo, islamarkaana sababi kara iney sii kala fogaadaan bulshada Soomaaliyeed ee kusoo dhex jiray mudo 30 sano ka badan dhibaatooyin kala duwan.
“Dhalinyaro waxaan idin leeyahay yaan la damqin boogahaas, kuwa beenta sheegayow ka jooga oo u soo noqda qiimaha ay leedahay diinteena suuban oo Alle ka cabsooda” ayuu yiri Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud.
Gabagabdii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan Xalay jeediyey, isagoo fariin hambalyo ah oo dhinacyo badan taabaneysay u dirayey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan munaasabadda Ciid Carafo.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More