Xulka Netherlands Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Xulka Poland.

Xulka Netherlands ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Xulka Poland kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2/1 uu xulka Holland ku gaadhay guul muhiim u ahayd xulka.

Xulka qaranka Netherlands ayaa ku jira Group-ka 4-aad, waxaana kula jira Poland, France iyo Austria.

Poland ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 16-aad waxaana u dhaliyay Buska oo caawin ka helay Zielinski.

Laakiin xulka qaranka Netherland ayaa dib ugu soo laabtay iyaga oo dhaliyay goolka xiddiga Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka qaranka Holland ayaa isku dayay in ay ciyaarta badiyaan taas ayaana u suurtagashay daqiiqadii 88-aad iyada oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Wieghort.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Holland guul ka gaadhay kulankoodii uu horeeyay ee Euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More