Barcelona Oo Taako Ku Qabatay Sevilla, Coutinho Oo Guuldarro

0

Philippe Coutinho ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Barcelona ay barbaro 1-1 kala kulantay kooxda Sevilla oo marti u aheyd.

Sevilla ayaa caawa soo bandhigtay qaab ciyaareed ay ku muujinayaan inay ka mid noqon karaan kooxaha u tartamaya hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu hogaamiyo tababare Julen Lopetegui waxay ku qaadatay kaliya sideed daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii karoos uu soo qaaday Suso uu qalqal ka dhex abuuray xerada goolka Barcelona iyadoo kubad auu helay Luuk de Jong kaasoo shabaqa meel kore ka geliyay inkastoo goolhayaha uu taabtay.

Barcelona ayaa durbadiiba jawaab celin ka bixisay, baas uu sameeyay Lionel Messi oo uu taabtay Jesus Navas ayaa waxaa helay Coutinho iyadoo xiddiga reer Brazil uu durbadiiba shabaqa dhex dhigay isagoo ciyaarta barbareeyay ka dib 10 daqiiqo.

Sevilla ayaa birta garaacday qeybta labaad markii uu Ronald Araujo uu birta ku garaacay baas uu ka helay En-Nesyri iyadoo goolhayaha uu dhinac u go’ay.

Saxiixa cusub Sergino Dest ayaa markii ugu horeysay Barcelona u ciyaaray caawa isagoo bedelay Jordi Alba oo dhaawacmay, laakiin midkoodna labada kooxood ma aysan helin goolka guusha iyagoo ku heshiiyay inay dhibcaha kala qeybsadaan.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Barcelona ay ka dhacday kaalinta 5aad iyagoo leh 7 dhibcood, waxay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka la wareegtay ee Real Madrid oo 10 dhibcood ku hogaamineysay.

Xiddiga Garoonka- PHILIPPE COUTINHO (BARCELONA)

Waqti aan sii dheereyn, waayaha Coutinho ee Barcelona wuxuu u muuqday mid dhamaaday laakiin Ronald Koeman ayaa dib u soo nooleeyay waayaha ciyaareed ee Coutinho ee Barcelona. Coutinho ayaa muhiim u ah qaabka ay Barcelona u ciyaarto ee 4-2-3-1, wuxuuna caawa soo bandhigay waxa uu qaban karo isagoo dhaliyay goolka barbaraha. Coutinho ayaa ugu danbeyn soo bandhigaya sababtii ay Barcelona markii horeba u la soo saxiixatay.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Barcelona: Neto 6, Roberto 5, Pique 5, Araujo 7, Alba 6, de Jong 6, Busquets 7, Griezmann 5, Coutinho 8, Fati 5, Messi 6.

Bedel – Pjanic 5, Dest 6, Trincao 6, Pedri 7.

Sevilla: Bono 7, Acuna 6, Carlos 6, Kounde 7, Navas 5, Jordan 5, Fernando 7, Rakitic 6, Ocampos 6, Suso 6, de Jong 7.

Bedel – Torres 5, Gudelj 5, Munir 5, Fernandez 6, En-Nesyri 6.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More