Barcelona Oo Af-Duubanaysa Heshiiska Daafacii Sanadka Ee Talyaaniga &

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay doonayso inay dhigeeda Tottenham ka inkaarsato kana hor qaado saxeexa daafaca dhexe ee Atalanta ee Cristian Romero.

Agaasimaha cusub ee Tottenham ee Fabio Paratici ayaa doonaya inuu dib u qaabeeyo safka kooxdaasi waxaana socda wadahadalada ay heshiis 42 Milyan oo pound ah Atalanta kaga doonayaan Romero oo ay haatan rajaynayaan inay horumar ka sameeyaan kaddib bixitaanka Toby Alderwiereld.

Si kastaba, lacagtaas ayaa ah mid aan u dhigmin rabitaanka Atalanta oo 51 Milyan oo pound ku doonaysa iibka Romero oo koobka Copa America kula soo guuleystay dhawaan xulka Argentina.

Haatana sida uu sheegayo il-wareedka SportItalia, Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo Romero sidoo kalena ay ka dalab sarreyso Tottenham.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Barca ay haatan in mudo ah daawanaysay 23 sano jirkaas haatana ay diyaar u tahay inay dalab rasmi ah ka geyso.

Xiisaha Barcelona ayaa hubaal kor u qaadi doona qiimaha Romero iyadoo Atalanta ay ku farxi doonto in dagaal dhinaca dalabaadka ah lagu galo xiddigeeda.

Xiddigan Lionel Messi iyo Argentina kasoo caawiyay Copa America muhiimna usoo ahaa daafacooda dhexe ayaa xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 kusoo guuleystay daafacii ugu fiicnaa guud ahaan horyaalka Serie A.

Waxa xusid mudan inuu heshiis laba sano oo amaah ah kaga maqan yahay Juventus oo ah kooxda asal ahaan leh balse Atalanta ayaa dookh u haysata inay 14 Milyan oo pound kaga iibsato Juve waana sababta ay usii iibinayso hadda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More