Garsoorihii Ay Liverpool Ka Cabatay Ee David Coote Oo Loo

David Coote ayaa laga beddelay garsooraha VAR ee kulanka adag ee Liverpool ay Axadda toddobaadkan kusoo dhoweyn doonto Leicester City, kaas oo ah mid xaasaasi ah oo ay xamaasaddiisa dabooleen dhaawacyada tirada badan ee ku habsaday Liverpool.

David Coote ayaa hore loogu magacaabay inuu noqdo garsooraha VAR-ka fadhiyaya kulankan, hase yeeshee, waxa lagu beddelay Andre Marriner oo shaashadaha iyo kaamirooyinka indhaha ku hayn doona, si uu garsooraha dhexe uga caawiyo haddii qaladaad dhacaan amaba waxyaabo uu arki waayo ay yimaaddaan.

Garsoorahan ayay Liverpool cabasho ka muujisay kulankii Merseyside derby oo uu fadhiyey VAR, isla markaana uu awoodi waayey inuu qabto qaladkii uu goolhaye Pickford ku galay Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan ka maqnaanaya.

Waxa kale oo David Coote  lagu eedeeyey inuu si cad u diiday gool waqti dambe ay dhalisay Liverpool oo uu saxeexay Jordan Henderson, kaas oo uu ku adkaystay in Sadio Mane uu ku jiray OFFSIDE oo isaga oo kasoo baxay uu haddana kubadda qabsaday, isla markaana sii dhiibay baas ugu dambayntii uu Henderson gool u beddelay.

Maamulka Premier League ayaan war rasmi ah kasoo saarin sababta ay u beddeleen garsoore David Coote, hase yeeshee waxa loo magacaabay oo uu qaban doonaa ciyaarta Manchester United iyo West Brom oo uu ka noqon doono garsooraha dhexe.

Jamaahiirta Liverpool ayaa si weyn uga cadhooday markii ay ku arkeen isaga oo lagu soo qoray kulanka Leicester City ay isku haleelayaan oo ay u baahan yihiin inay helaan guul si ay niyaddooda uga saaraan dhaawacyada iyo xanuunnada niyad-xumaanta ku abuuray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More