Xiisad Dagaal oo ka taagan Koofur Bari Magaalada Dhuusamareeb.

Militariga Soomaaliya ayaa saakay dhaq-dhaqaaq ciidan kawada deegaannada Bulucle & Miir-dugul ee dhaca duleedka Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada militariga ah ee tagay deegaannadaan oo la hadlay Axadle waxa ay sheegeen in xalay ay ku hoyden deegaannadaas, saakayna ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ujeedka howlgalkooda waxa ay ku sifeeyeen in ay ku doonayaan qabsashada deegaanno horleh oo dhaca Koofur Bari Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

“Ciidamada ayaa xalay ku hoyday deegaannada bulucle iyo miir dugul, waxa ay saakay wadaan howlgalo ay ku gaarayaan deegaannada cadawga joogo, waxaana qorshuhu yahay in aan ballaarino howlgalka” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay saraakiil katirsan Militariga howlgalka wada.

Al-Shabaab ayaa dhankooda wada abaabul xooggan, waxaana lasoo wariyay in cabsi ay lasoo deristay dadka deegaannada dagaalka martigeliyay kunool, maadaama rasaasta ay isku adeegsanayaan Ciidamada Guutada 15-aad qaybta 21-aad iyo Al-Shabaab ay gaareyso meelo ka fog goobaha dagaalka.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More