Farmaajo, Mursal iyo shaqsiyaad kale oo DF katirsan oo la cunaqabateynayo

Muqdisho (Axadle) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan xafiiska wakiilada caalamiga ayaa sheegaya in saaxiibada Soomaaliya ay ka fiirsanayaan in cunaqabateyn la saaro qaar ka mid ah madaxda waqtigiisa dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Beesha Caalamka ay ugu hanjabtay Madaxweynaha cunaqabateynta ka saran Mudane Maxamed C / llahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha xilka baneynaya Maxamed Mursal Sheekh Craxmaan iyo labadiisa kuxigeen Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad

Afartaan masuul ayaa loogu hanjabay cunaqabateyn iyo xayiraad dhanka safarka ah oo ay ugu jiraan safarada dibada iyo dhaqaalaha. Hogaamiyaasha ayaa sidoo kale loogu hanjabay in qoysaskooda sidoo kale cunaqabateyn la saari doono.

Macluumaadka waxaa sidoo kale si dadban u xaqiijiyey Xafiiska Afrika ee Xafiiska Arimaha Dibadda qoraal ay ku qoreen afarta masuul, waxayna ku yiraahdeen: “Muddo kordhinta dowladda federaalka waxay sii dheereyneysaa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya Hogaamiyayaashu waa inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada oo ay xaliyaan xiisadda doorashada @AmbMursal @AbdiweliMudey @awed_mahad @M_Farmaajo. ”

Muddo kordhinta dowladda federaalka waxay sii qoto dheereysaa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya. Hogaamiyayaashu waa inay ku noqdaan wadahadalada sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan una xaliyaan qalalaasaha doorashada. @AmbMursal @AbdiweliMudey @awed_mahad @M_Farmaajo https://t.co/o9Uh0IUNV6

– Xafiiska Arimaha Afrika (@AsstSecStateAF) Abriil 14, 2021

Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee ku lugta leh arrimaha. Midowga Yurub (EU) ayaa sidoo kale doonaya inuu qaado talaabadaas kadib markii loo kordhiyay waqtiga dowladda Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay dhowaan soo saaraan go’aan ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taas oo si weyn loo wada sugayey tan iyo go’aankii Baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More