Xeebaha Jabuuti oo laga raadinayo Tahriibayaal doon la

Xeebaha Jabuuti waxaa laga raadinayaa 12-ruux oo la socday Doon u socotay Dalka Yemen, waxaana dhimatay inta la xaqiijiyay 8-ruux oo qaarkood la sheegay in laga tuuray doontii ay la socdeen.

Is qabqabsi ayaa ka dhex dhashay doonta waxyar kadib markii ay u shiraacatay safar saacado qaadanaya oo ay uga gudbayaan Biyaha Badda Cas si ay u gaaraan waddanka Yemen oo ay uga sii gudbayaan Boqortooyada Sacuudiga.

Afhayeenad u hadashay Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in dadkaan ay la socdeen doon u kireysan 34-ruux, kana baxday xeebaha Jamhuuriyadda Jabuuti, balse dagaal ka dhex dhacay dadka uu sababay in la tuuro Rag iyo Dumar, kadib waxaa sii kordhay doonta oo ugu dambeyn rogmatay.

Dhalashada dadkaan waa Soomaali, Itoobiyaan iyo Eretariyaan sida ay warisay Afhayeenadda u hadashay Hay’adda IOM, muddooyinkii dambe ayay isu diyaarinayeen safarkaan, maadaama Jabuuti ay adkeysan dhaq-dhaqaaqa Xadkeeda Sabab la xiriirta Covid-19.

“Waa ay dagaaleen, muranka ayaa sababay in doonta laga tuuro saddex kamid ah tahriibayaasha oo Rag & Dumar doonta la socday, is qab-qabsiga oo dheeraaday waxa uu sababay in dhinac u ciirto oo ugu dambeyn rogmato (Qalibmato), waxaana ku dhintay 8-ruux, halka la waayay 12-kale oo la raadinayo” Sidaasi waxaa tiri Afhayeenadda u hadashay IOM.

Dhacdo tan lamid ah ayaa Jabuuti ka dhacday bishii Janaayo 2019-kii, kadib markii labo doon oo rogmatay ay ku dhinteen 58 muhaajiriin ah oo badankood ka yimid Dalka Itoobiya, inkasta oo qaar kale la badbaadiyay.

Marinka Bab al-Mandab ee kala qaybiya Jabuuti iyo Yemen wuxuu noqday marinka Tahriibayaasha isaga kala gudba labadaan dal iyaga oo isticmaalaya Biyaha Badda Cas, si ay usii gaaraan Sacuudiga oo xad wadaag la ah Yemen.

Isha:  Albayan  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More