Wasaaradda Gaashaandhigga ee DF ayaa baadi goob ugu jirta ciidamo ka maqan – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Taliyayaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ka hooseeya iyo madaxda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bilaabay inay baadi goobaan boqolaal ciidan ah oo ka maqan xeryahooda, kuwaasoo isugu jira kuwa fasax ku maqnaa iyo kuwa baxay.

Taliyayaasha ayaa la faray inay ku soo celiyaan ciidamada maqan saldhigyadooda, sidoo kalena la cadeeyo ciidamada fasaxa ku maqan iyo kuwa baxay. Waxaa sidoo kale la faray inay cadeeyaan ciidamada ku lugta leh dagaalada Muqdisho.

Warar ay heleyso Axadle ayaa sheegaya in lagu raadjoogo askar iyo saraakiil ciidan oo la waayey. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah ciidamada iyo saraakiisha si toos ah loola xiriiray.

Xogta la helay ayaa muujineysa in dowladda ay dooneyso inay ciqaabto askartii ka qeyb qaadatay dagaalkii ka dhanka ahaa dowladda looga saaray Axadle, taasoo aan wali amaan aheyn in lagu celiyo xarumaha

Go’aanka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku aadan dhaqaajinta ciidamada ayaa sidoo kale loo arkaa mid lagu wiiqayo mucaaradka, inkasta oo la rumeysan yahay in ciidanku inta badan aysan ka laaban doonin oo ay diidi doonaan go’aanka ka soo baxay taliyayaashooda maadaama ay durba dhaqan galeen.

Kuwa ka soo horjeeda muddo kordhinta ayaa horay u sheegay inaysan ka bixi doonin Caasimadda Muqdisho illaa doorashada, isla markaana aysan rumaysan doonin oo keliya hadalka Farmaajo ee ah in doorasho la qaban doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More