Taliyaha qaybta 21 aad ee C.X.D:- Waxa aan dilnay 18-dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.

Askari ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ku dhagan qoriga laga rido gawaarida dushooda.
X/Q Secter 21, SNA.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Bulacle oo ay shalay ku dagaalameen Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab ayaa ka warbixiyay Khasaaraha dagaalka.

Generaal Qooje ayaa sheegay in ay dileen 18-dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab, isla markaana hub ku furteen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanada Bulacle, Miir-dugul,Xirsi-Fiin ee gobolka Galgaduud,halkaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaayeen Xoogga Al Shabaab.

Taliyaha qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa intaasi ku daray in ay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen Al Shabaab inkastoo uusan sheegin tiradooda.

Ciidamo uu hoggaamiyo Taliyaha guutada 15 aad, qayta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Mascuud Maxamed Warsame ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay Al Shabaab dagaal xooggan kula galay deegaanada dhaca Koofur Bari ee magaaladda Dhuusamareeb waxaana ka dhashay Khasaaro xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay halkaasi dagaal kula galeen ciidamo ka socda AMISOM gaar ahaan dowladda Jabuuti iyo Ciidanka Galmudug ayna halkaasi ku dileen 11 askari oo ka tirsan ciidanka huwanta ah.

Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay dhaaweec 7 askari oo kale isla markaana ciidanka Dowladda iyo AMISOM ay dib ugu gurteen salgooda garoonka diyaaradaha ee magaaladda Dhuusamareeb ayna maamulayaan deegaanadii lagu dagaalamay.

Majirto cid xaqiiji karta Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo ka madax banaan dhinacyada dagaalamay maadaama weerarku ka dhacay Dhul miyi ah ayna ka carareen dadkii xoolla dhaqatada ahaa ee halkaasi ku sugnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More