Ra’iisul Wasaare Rooble oo laamaha Amaanka “dusha u saaray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga Gobolka banaadir ayaa kala hadlay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Eng Rooble oo labo maalin ka hor xilka lawareegay ayaa Talisyada Ciidanka kala hadlay sugida amaanka magaaladda Muqdisho iyo howlgaladda ka socda goboladda dalka ee ka dhanta ah Xoogga Al Shabaab.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska wasiirka 1 aad.

Rooble ayaa u sheegay rasaakiisha in waajib ka saaranyahay amaanka iyo nabadgalyada dalka.

“Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda” ayaa la raaciyay qoraalka.

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab

Xukumadii xilgaarsiinta ayaa horay u baabi’isay barnaajimkii Tubta amniga iyo Cadaallada oo ay dajisay Xukumadii Xasan Cali Khayre oo taas arimaha amaanka hoysgaynaysay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More