Qarax sababay dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Deegaanka Weedow ee Dhaca duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana xiligii qaraxa uu dhacayay wadada mararay Gaari ay wateen Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa sheegay in qaraxa uu sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiliga Miinadu ay qarxeysay wadadu ahayd mid mashquul ah sida ay wariyeen dadka deegaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyay in saddex ruux wayxeelo gaartay, waxaana laga qaaday goobta, ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta tagay ayaa baaritaan kooban sameeyay, inkasta oo aan la xaqiijin haddii ay dad kusoo qabteen.

Lama sheegin saddexda ruux ee la qaaday dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xiray Goobaha ganacsiga ee ka dhaw halka qaraxa uu ka dhacay sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Garasbaaley ayaa Axadle u sheegay in Qaraxa uusan geysan khasaare, isla markaana uu ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay oo qaraxday waxyar kadib markii uu gudbay gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda.

Deegaanka Weedow waxaa marar badan ka dhacay qaraxyada Miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay mas’uuliyaddoodu sheegato Al-Shabaab, Ciidamada Dowladda ayaa joogteeyay baaritaannada meelaha lagu aaso miinooyinka.

Arbacadii Todobaadkii tagay, Al-Shabaab ayaa sheegatay in Gaari nuuca Ciidanka ah oo ay la socdeen Askar katirsan DFS in ay ku qarxisay miino ay ku duugtay duleedka Muqdisho, isla markaana ay ku dishay 7-Askari.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More