Madaxweyne u muuqo sida laguu maleynayo!

8-Febraury-2017, Bidix: MW Xasan SHeekh, Dhexda: MW: Farmaajo, Midig: MW SHariif

Marka aan u fiirsado sida hadda rayn-reynta iyo farxadda loogu soo dhoweeyey guushaada madaxweynenimmo oo aan garab-dhigo sida aad u muuqan doonto marka xamaasadda iyo xiisuhu waayaan Gaawe, Dhakal ama Ameel lagu liso lagu keydiyo, markii  loo baahdana laga faa’iideysto, waxa ii muuqata in aadan waxqabad ka weyn kana duwan kan madaxdii kaa horeysay  aadan  keeni doonin.

Haddaba inta aan ogahay aan kuu sheego meesha ay beeshay ee in aad ka gudubto ay lamid tahay adiga oo ku jira imtixaan ay kormeerayaashiisu adduunka oo dhan joogaan.

Nabadgelyada

Dhammaan musharixiintii kugula tartamay xilka madaxweynenimo waxa uu ammaanku u ahaa kaalinta koowaad, haddii aad ogtahay iyo haddii kalana madaxweynaha aad xilka kala wareegi doonto ayaa ku ololeeyey 2012, in uu xasilinayo dalka oo dhan, iyada oo aan filayo in uusan waxba reeban waxa uu keenay meesha ay maanta taagan tahay oo ah in uu xilka kuugu wareejin doono sidii loogu wareejiyey habeen, taas oo kadhigan in dhaqanka isku wareejinta awoodda si nabad ah uu kusoo noqonayo dowladnimada Soomaaliya, mudane madaxweyne Ogow  wixii loo qabay madaxweyne Xasan Sheekh in badan oo kamid ah waxa lagu illaawi doonaa sidii qurxooneyd ee uu go’aanka u qaatay markii aad uga guuleysatay tartanka madaxweynenimo.

Shacabka kuu bannaan baxaya oo qaarkiis ay carruurtii kala lumeen ama kala habaabeen farxadda ka dhalatay in aad madaxweyne noqotay awgeed waxa ay doonayaan dhaqan aad kula tacaasho nabadgelyada oo kaduwan kana cad kan ay soo arkeen sanadihii tagey, ma filayo in ay kaa saari doonaan halhaysyada qurxoon ee guusheydu waa guusha shacabka, Danta dalka iyo dadka iyo xamaasadda muwaadiniita Soomalaiyeed ee qurbaha ku nool ay caanku ku yihiin.

Aragtida maamulka iyo dowladnimada ee qabta in xukuumaduhu ay la keliyoobaan haysashada awoodda sanduleynta, oo macnaheedu yahay in hubku ku jiro gacanta dowladda iyada oo aan muwaadinku ka cabsan muwaadin kale, hadda waxa xukuumadda xilkeedu dhammaaday la haystay awooddaas ururo ay ugu horreyso xarakada Alshabaab, sidaas oo kalana waxa jiri kara dhinacyo kale oo aan muuqaan hayeeshee taagan daaha gadaashiisa.

Haddii ay dadweynaha kuu bannaanbaxay dalka oo dhan waayaan qodobka xasilinta nabadgelyada waxa aad weyn doontaa taageerada iyo niyadda ay maanta hayaan, sidaas awgeed waa in aad ogaato in muwaadiniinta caasimadda ku nool uu dareenkoodu isu beddelayo sida qabowga, kulaylka, Maalinta iyo Habeenku isu beddelayaan.

Waxa lagayaabaa in farxadda iyo bannaan baxyada laguu dhigayaa ay ku geliyaan rayn-rayn iyo isu bogid, balse ogow in ujeedku farxaddu yahay su’aalaha imtixaan adag oo ay dadweynuhu diyaariyaan.

Garsoorka.

Lama filayo in aad sida uu yahay garsoorka  waddanka aad dhalashadiisa haysato  ka dhigto kan Soomalaiyada cusub oo aad madaxweyne u  noqotay!  balse waxa lagaa filayaa in aan qofna isaga oo adeegsanaya awoodda dowladda uusan dulmin qof kale oo muwaadin ah, taas oo sababtay in muwaadiniin Soomaaliyeed ay u dhintaan, kuwo u barakacaan, qaarkoodna ay dalka ka cararaan iyaga oo la baxsanaya aragti siyaasadeed oo ay qabaan, kuwana ayba karheen magaca iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xabsiyada waxaa ku jira muwaadiniin aan la maxkamadeyn hayeeshee muddo dheer xiran, waxa jira kuwa loo qabtay tuhun balse si loo daayo ay u baahan tahay in qaraabadoodu bixiyaan lacag la yiraahdo Baad ama madax furashada dahsoon ee garsoor xumidu sababto!

waa meesha ugu qurunka badan ee ceebtu taal, hadda waxaa Xamar ka jira oo socda mashaariic ay ahayd in loo tartamo hayeeshee ay madaxdii kaa horeysay siiyeen saaxiibadood, eheladooda iyo hay’ado lagayaabo in ay faa’iido wadaag la yihiin, kuwaas oo qarash badan oo aan horay u jirin ku soo kordhiyey nolosha muwaadiniinta, taas oo qayb ka noqotay sababaha uu dhaqaaluhu ugu batay qayb kamid ah bulshada halka ay qayb kale oo badana ay soo istaagtay sabool, dad badan ayaa kuula iman doona hindisaha mashaariic yaryar oo dhaqaale lagu sameyn karo balse culeys dhaqaale saaraya muwaadiniinta, tusaale in la sameeyo hay’ad aan sharci ahayn oo ka shaqeysa dhoofka xoolaha, ama maamusha meelaha danta guud ee dhaqaaluhu ka yimaado.

Mashaariicda Qaranka

Habka loo qaybsado howlaha qaranku Si aad ceeb la’aan u ahaato mashaariicda noocaas ah waa in ay maraan tartan ayna arkaan dhammaan hay’adaha kushaqada leh.

Dhallinyarada iyo dadka taagta daran oo aad ku ololeysay in aad wax ka qabaneyso mushkiladaha haysta waxa aad ogaataa in qaarkood ay ka shaqeynsan waayeen Xamar 2, sababood awgood, midda hore ciidanka ayaa marka dhib dhaco waxa ay sameeyaan howlgal, sidaas awgeed waxa ay soo qabtaan wixii dhallinyaro ah ee ay arkaan ama ku dhow meesha ay wax ka dhaceen, xarig ayaa la geliyaa iyada oo muddo qaadata in la sii daayo, marka la daayana waxa ay tagaan iyaga oo aan aqoon waxa loo haystay, taaisna waxa ay keentaa in ay niyad-jabaan, quustaan kaddibna qaataan go’aan ay uga dagaagaan dalka oo dhan.

Midda labaad Xamar reero badan ayaa lagu biilaa dhaqaale yar oo laga shaqeeyo gaadiidka Bajaajka, dadka ugu badan ee kaxeeya waa dhallinyaro, qaarkood ciidan ka horreeya ama ka dambeeya ayaa dilay, qaarkood jidadka ma mari karaan oo lacag aan ahayn tii canshuurta ayaa laga qaataa, adiguba waad ogaan kartaa taas.

Dhallinyaradaasi dhammantood ma wada laha Bajaajka, ee waa laga kireyaa oo lacag ayaa laga doonayaa in ay soo xareeyaan, jidkii ay ku soo xareyn lahaayeen dhib badan ayaa ka jira, sidaas awgeed ayay u qaataan go’aan ah in ay dagaagaan oo ay dalal kale biiriyaan, waad fahmeysa dhibka ka dhasha marka ay dhallinyaradu ka tahriibaan waddamadooda, haddii aadan ka dhabeyn ballanqaadkaaga ogow qaarkood ayaa dab isabadsiin doonaa sidii ka dhacday kacdoonkii gugii carabta ee isu rogay jiilaalka Carabta.

Dhaqanka dowladnimada

Sida lagayaabo in aad la socoto dhaqankeena siyaasadda marka uu qof madax noqdo waxa ku soo yaaca qaraabadiisa iyo dadka u dhow, iyaga oo isku deyaya in ay awoodda iyo xilka madaxtinimada uga faa’iideystaan si u gooni ah, si gaar ah Xaasaska iyo Walaalaha madaxweynaha oo aan la aqoon ayaa soo muuqda, ceeb ma aha in ay muuqdaan, balse waxa ceeb ah in ay ku muuqdaan xilkaaga iyo awoodda madaxweynaha!

La taliyeyaasha iyo Xukunka

Madaxdii kaa horeysay waxa ay lahaayeen la taliyeyaal mararka qaarkood siiya talo qalloocan, taas oo marka uu qaato isaga oo aan rogrogin saameysa muuqaalkiisa iyo waxqabadkiisa, ogow dadka ma yaqaanaan hebel ayaa sidaas ku taliyey ee waxa ay u fahmayaan in wax walba oo fiican oo la gaaro aad sabab u tahay, sidaas oo kalana wixii xumaada adiga ayay kuu saari doonaan, sidaas awgeed dooro la taliyeyaal fiican oo yaqaan dhaqanka dadka Soomaaliyeed lehna iimaan iyo astaan qarannimo.

Waxa jirta aragti garsoor oo ah in aan waxba la xukumin marka ay xamaasadda farxadeed iyo tan caro kacsan yihiin, sidaas daraadeed qaado dhaqankaas oo adiga oo aad u farraxsan, aad u careysan ama aad u qiireysan waxba ha qaadan go’aan kama dambeys ah, kudarso waxa hadda lagaa arko ayaa qayb ka noqon doona go’aanka lagaa qaadanayo Mustaqbalka.

Deriska & Arrimaha dibadda

Dowladaha aan deriska nahay Alle ayaa iskeen baday, waana lama huraan in aan si nabad iyo is qaddarin ah ugu wada noolaano deegaankan, sidaas awgeed u fiirso hadalada iyo falcelinta aad siineyso madaxda dowladahaas, hadda musharax ma tihid, waxa aad tahay madaxweynaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Jamhuuriyadda iyo kuwa maqan ee dalal kale ku hoos jira ama dhibka dalka ka dhacay ka cararay ee qaxootinimo kujira.

Tallaabo walba oo aad qaaddo saameyn ayay ku leedahay Soomaalinimada sidaas oo kalana go’aan kasta iyo hadal walba oo kaa soo fulo natiijo ayuu sameynayaa, ku dadaal in ay noqoto mid u dan ah muwaadiniinta iyo dalka sidii aad ku ballan qaadday.

Gacantii aad goyn weyso waa la dhunkadaa ama waa la shumiyaa,  halhayska dagaalka ee “Ninkaad dili ninkaad dagi nikaad dabin u qooleyso waa la isu kala daadiyaa yaanu kaa didine“, waxa ay ku fiican yihiin cilaaqaadka dibadda, marna ha u adeegsan muwaadiniinta gudaha Waxa aad ogataa in aan maanta Soomaali badan laga dhaadhicin Karin dhaqankii ahaa in ay madaxweynaha Aabe dhahaan, xaaskiisana Hooyo, adiga oo taas og waa in ay kala soocnaadaan qoyskaaga iyo dowladnimu, kuna talagal haddii la arko iyada oo qoyskaaga ama qof kamid ah qaraabadaada oo si aan sharci ahayn u adeegsanaya awoodda waxa soo bixi doontaa niyad jab iyo in la yiraahdo dheeraa waqtigu iyo goorma ayuu na dhaafaya.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed badankooda waxa ku yaal boogo ay hadaladu damqiyaan, waxa jooga siyaasiyiin caan ku ah in ay damqiyaan boogaha dad aanay waxaba tari Karin, iska jir in ay kuu hadlaan adiga oo og iyo adiga oo aan ogeyn.

Hadda waxa socda hal-abuur kuu marinayo heeso iyo gabayo soo dhoweyn ah, waana caadadeena marka aan aragno madax u muuqata in ay waxtarayaan, ogowse in ay ku soo daba jiraan kuwo lagugu dhalliilayo haddii lagaa waayo waxa lagaa filayo.

Aad ayaa laguugu hammuun qabaa, ee u muuqo sida laguu maleynayo.

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga iyo Qaanuunka.

Waa aragtideyda mana jirto cid aan ku metelayo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More